Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay in Ciidan badeed la geeyo xeebaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1722123322794.jpg?resize=721%2C48

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin u oggalaanaya Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan inuu ciidamo badda ah geeyo badda Soomaaliya.

Muddada sharciga ah ee Baarlamaanka Turkigu ay ansixiyeen ayaa ah labo sanno, wuxuu u baahan doonaa in waqtigaa dib loo cusboonaysiiyo.

Tallaabadan ayaa daba socota heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah oo ay wada saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya bishii Febraayo, kaasoo ujeeddadiisu ahayd in lagu xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya iyo in la dhiso ciidan badeed.

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay in Ciidan badeed la geeyo xeebaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this