Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo saaka bilowday hawlgal xoog loogu saarayo dadkii deganaa xarunii hore wasaarada Arrimaha gudaha

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20240728_094244214.jpg?resize=840

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay bilaabay howlgal ay dadka degan xoog uga saarayaan dhisamayaasha wasaaradii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya , oo kutaalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Dadka deggan xaruntaasi ayaa ku waaberiistay saaka Ciidamo ka tirsan dowladda ka tirsan oo xalay saq dhexe lagu daadiyey waddooyinka gala iyo kuwa ka baxa xaruntii Wasaaradda arimaha gudaha ee ku taallay degmada Boondheere.

Dhamaan waxaa xiran waddooyinka ka ag dhaw xarunta sidoo kale waxaa la xanibay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka, waxaana gudaha ka socda burburin iyadoo dadkuna ay isku dayayaan in ay alaabahooda ay goobtaas kala baxaan si ay uga badbaadaan waxyeelada burburinta.

Horay dowladda ayaa ugu dhawaaqday in dhulkaas oo ah dan guud ay dowladdu u baahantahay muhiimna ay tahay in laga guuro, saaka ayeyna dowladdu fulisay amarkii ay horay ugasoo saartay dhulkan.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo saaka bilowday hawlgal xoog loogu saarayo dadkii deganaa xarunii hore wasaarada Arrimaha gudaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this