Deeq A. Posted July 28 Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan wuxuu sheegay in lagu casuumay Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas inuu khudbad u jeediyo Baarlamaanka Turkiga “Waa inuu marka hore naga raalli-geliyo. Waanu ku casuunnay balse ma uu iman. Aan aragno inuu iman doono iyo in kale,”ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan. Turkiga , wuxuu iskaashi wanaagsan la leeyahay Xamaas, illaa xisbiyada Turkiga ay billaabeen olole ay ku doonayaan in Baarlamaanka uu hadal u jeediyo Ismaaciil Haniya , madaxa siyaasadda Xamaas, kaa oo ay u arka cidda mateli karta Falastiiniyiinta. Halkaasi oo ah meesha ay isku diiddanyihiin Cabbaas iyo Turkiga , sababtoo ah ma uu doonayo in lala tartansiiyo ururrada kale ee Falastiiniyiinta, taa oo jirta ma uu heysto codka Falastiiniyiinta. Erdogan , oo ka fogaanaya cadaadis kaga yimaada Carabta iyo reer galbeedka ayaa u doorbiday Cabbaas, halkii uu sheegi lahaa Haniya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Turkiga oo casumay madaxweynaha Falastiin appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites