Sign in to follow this  
General Duke

I am surrounded by extremists help me Sharif Ahmed to the US.

Recommended Posts

WASHINGTON: Mss. Jandayi Frazer: "Sheekh Shariif waxaan moodday qunyar socod, haddase waxaan ku darnay liiska..."

Posted to the Web May 14, 08:59

 

 

Washington (PP) - Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Arrimaha Afrika Mss. Jandayi Frazer ayaa sheegtay in Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay ku dareen liiska kooxaha mayalka adag ee ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ah ee dhawaan laga itaalka roonaaday.

 

Mss. Fraser oo wareysi dheer siiyay Idaacadda VOA-da qaybteeda Afka Soomaaliga ayaa waxay carrabka ku adkeysay in Mareykanka uu markii hore u haystay in Sheekh Shariif iyo rag kale oo fara ku tiris ahaa oo ka tirsanaa Maxkamadaha inay yihiin kuwo qunyar socod ah ay u soo baxday in aanu Sheekh Shariif ahayn qunyar socod.

 

"Xilligaan ma jirto wax aan ku kala soocno Maxkamadaha inkastoo ay jiri karaan weli kooxo qunyar socod ah oo ka tirsan, waxaanse xusi karaa in ragga mayalka adag ee ku jira maxkamadaha weli ay ka mid yihiin Aadan Cayroow iyo Ciise Cismaan Ciise, balse hadda waa isku mid sida aan qabo dhammaantood" ayay tiri Jandayi Frazer.

 

Mss. Jandayi Frazer ayaa la weydiiyay su'aal ahayd in Sheekh Shariif ay ku dareen liiska kooxaha argagaxisada ah ayaa waxay ku jawaabtay: "Haa... waan ku darnay, waayo xagaagii dhaweyd ayaa waxaa la kulmay Safiirkeenna ku sugan Nairobi, waxaana uu u muuqday mid aan niyad-jabin Maxkamadaha" Mss. Frazer ayaa waxay intaas ku sii dartay: "Sheekh Shariif wuxuu noo sheegay isagoo ku sugan Howdka fog ee Koonfurta Soomaaliya mar aan la xiriirnay inay ku hareeraysan yihiin kooxo xag-jirro ah oo uu doonayo in la caawiso si uu uga baxsado... waan caawinnay, waana ka soo saarnay, waxaan geynay Nariobi, wuxuuna naga codsaday taleefoon uu ehelkiisa kula xiriiro, waan siinnay, balse wuxuu billaabay inuu la xiriiro Al-Jazeera oo uu halkaas hanjabaadyo ka billaabo, isagoo ku baaqay Jihaad".

 

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Arrimaha Afrika Mss. Jandayi Frazer waxay carrabka ku adkeysay inay la socdaan in Maxkamadihii Madaxdooda ay ku sugan yihiin Eritrea ayna maleegayaan qorshayaal ay ku doonayaan inay dagaallo kale uga abuuraan gudaha Soomaaliya, balse waxaa noo qorsheysan inaan ka hortagno.

 

Mar ay ka hadashay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay sheegtay Frazer in Dowladda lagu dhisay qaab 4.5 ah, ayna muhim tahay in laga gudbo heerkaas loona gudbo heerka doorashada, iyadoo sheegtay in shirka dib u heshiisiinta Qaran ee Muqdisho ka dhacaya uu arrintaas daah-fur u noqon doono, balse ay iyagu la shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Geel_Jire12:

Cheap propoganda and lies, the Sheikh rejected their proposals many times.

Sida baroortooda ku cad!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Duke this topic meel kale ayuu ka furnaa mise you have to have your USUAL sources?

 

 

loool...Anyway, Jawaabtii ay mudnayd buu siiyey shariifku habartaan uu Meles ka dhex-hadlayo. She talks like inay Soomaaliya ay tahay boos ay iyadu cabbiratay.

 

Yaa u sheega not to mess around with the ONLY obvious, reall leader for Somalia today.

Markii uu u gadmi waayey bay in frustration shariifka aflagaaddo ula timid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Pardon saxib, but the Sharif Ahmed is a mere stooge who by all accounts was recued by the US.

He says that Yemen and Kenya helped him. Does he want us to belive they are less supportive of the the US than Ethiopia? Come on he is talking rubish as usual.

 

Oh was the topic opened elsewehere, so why did you respond to this thread? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fraser oo muujisay cawrada Shekh Shariif....

W/Q: A. Dirir

Posted to the MOL May 14, 2007, 4:24 pm

 

Waxaan aad ula yaabay wareyysiga ay siisay naagta la yiraahdo Fraser VOA ayna ku qarxisay sida daciifnimada aheyd ee loo keenay Sheekh Shariif magaalda Nayroobi.Taasna sida ay sheegtay waxay ku timid goortuu la soo xiriiray gaaladii ay lahaayeen ha lala jihaado , uuna si gaar uga codsaday in laga soo gaaro argagixisada kuwa uu ku tilmaamay ay markii hore saaxibka ahaayeen , markaas oo ay wada joogeen Daahir aweys, Ceeroow, Turki xadka Keenya , laguna wareegsanaa.

 

Waxaana , yaabka yaabkiisa ah , qof aan wada araganay isagoo qori wata , kuna dhaartay in uu dagaalamayo ilaa uu ka dhinto , dartiisna qaxooti badan ay u dhinteen, in tiisa markii la gaaray uu cagaha wax ka dayey, mar labaadna qiyaameeyey saxiibadiisii la cadilnaa ee duurka wada joogeen.

 

Maanta marka isagoo calool weyne cid ka dageeysaneeysa lama arko waxyaabaha ka socda Somaaliya, nin isagiiba sidaas u dhqmay, gaal kalena maciinsaday.

 

Ee somaalidu ha garato danteeda, wax aan micno laheryna yaan nafta, maalka iyo wakhtigaha looga luminin...'

 

A. Dirir

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Let me get this straight:

 

1.The U.S.A gave Shariff a walkey Talkey

2. He calls them from the Jungle to say rescue me. from the "extremists" when all the "extremists are with him".

3. Then when the U.S rescued him, he starts to call Aljazeera and declared Jihad.

 

If he was a "stooge" then why did he turn his back on the U.S that saved him and started declaring Jihad on Aljazeera? Surely a coward or a stooge would be to frightened to anything when in custody? Furthermore, why didn't extremists kill him, when he asked the U.S.A to sace him? Or were they not there, when he made his secret little call to U.S.A. Lastly, if the U.S saved him and he was moderate and a fuley why did she put him back on the list? It looks like to me that Frazer is saying that she was played by the Sheikh?

 

Duke, your are no position to declare people stooges or rubbish talkers. I remember you saying that you would never support Ethiopian invasion, that there was no Ethiopian troops in Somalia and even that there was 1000s of Eritreans and Oromos fighting in Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this