Sign in to follow this  
RedSea

The stooges looted a member of the bogus conference.

Recommended Posts

RedSea   

hadhwanaag 2007-08-26 (Hadhwanaagnews) Muqdisho(HWN) Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in mid ka mid ah shir Guddoonka shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida oo lagu magacaabo Maxamuud Cumar Tootoow Gaarigiisa ay dhac u geysteen Ciidamo la sheegay inay ilaalo ka yihiin xarunta madaxtooyada dowladda Mbagathi ee magaalada Muqdisho.

 

Maxamuud Cumar Tootoow ayaa u sheegay saxaafadda in habeenkii xalay ahaa ay kooxo ku lebisan dareeska ciidamada dowladda Mbagathi ay dhac u geysteen gaarigiisa oo ahaa Toyoto LandCruiser, waxaase uu ka gaabsaday in kooxaha gaarigiisa dhacay ay ahaayeen ciidamada madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo in kale.

 

Ninka dhinaca saxaafadda u qaabilsan ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir isla Gaashaanle C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa xaqiijiyey dhaca gaariga Maxamuud Tootoow, wuxuuna xusay inaysan ogeyn meel lala aaday balse ay ku raad joogaan.

 

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Gaarigaasi ay dheceen maleeshiyaadka ilaalada ka ah madaxtooyada dowladda Mbagathi, kuwaasoo gaariga ka kaxaystay agagaarka Hotelka Ambasador ee ku dhow Km.4 ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa in warqad ashtako ah loo gudbiyey madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyadoo ilaa iyo haatan gaariga uu maqan yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this