Sign in to follow this  
General Duke

Brussels: Somali PM meats EU leaders-report, PICS

Recommended Posts

Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde oo Xarunta Modoowga Yurub kula kulmay Xoghayaha Guud ee Arrimaha Amniga Mr. Javier Solana

 

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ah Mudane Nuur Cadde ayaa magaalada Brussels kula kulmay Mr. Javier Solana oo ah ma’suulka u qaabilsan Midoowga Yurub arrrimaha amniga. Kulankan ayaa ka dhacay xarunta Midoowga Yurub ee European Council.

 

 

 

Mudane Nuur oo soo gaaray magaalada Brussels shalay subaxnimadii ayaa waxaa wax laga waydiiyay kulanka uu la qaatay Mr. Solana, waxaana ugu horreyntii uu sheegay isagoo faahfaahinaya inuu kulankan ahaa mid ku dhamaaday jawi wanaagsan isla markaana ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa soo celinta nabad galyada iyo arrimaha dib u hishiisiinta, Midoowga Yurubna ay gacan uga gaysan lahaayeen.

 

Wuxuuna Mudane Cadde sheegay oo kale in ay dhamaan arrimahaas isku af garteen.

 

Dhinaca kalena wuxuu Ra’iisul Wasaaraha sheegay in uu Mr. Solana ugu ballan qaaday in ay wax wayn ka qaban doonaan Midoowga arrimaha Soomaaliya gaar ahaan xagga dib u hishiisiinta iyo nabad galyada.

 

waxaa kaloo Ra’iisul Wasaaraha la waydiiyay qaabka ay u wajahayaan dib u hishiisiinta iyo qaabka ay wada hadal ula furayaan kooxaha mucaaradka ah ayaa ku jawaabay.

 

 

In ay ka go’an tahay in ay mucaaradka dowladda kasoo hor jeeda si aan kala sooc lahayn oo loo dhan yahay ay ula xaajoon doonaan ulana hadli doonaan isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yiri “ Mucaaradka waa dad dalka xaq ku leh waajibna uu ka saran yahay in ay wax ka qabtaan, maxaa yeelay dalka wax u qabashadiisa iyo umadda Soomaaliyeed wax u qabashadeeda annaga iyo mucaaradka waa u simman nahay oo ma kala xigno wadanka iyo dadkaba haddiise mucaaradka ay dhaliilsan yihiin wax qabadkeena dowlad ahaan amaba ay jirto in ay wax ka tabanayaan xagga awood qaybsiga annaga diyaar ayaan u nahay inaan arrimahaas ka wada hadalno, meel isla dhigno wixi dan u ah ummaada Soomaaliyeed wixii qilaaf jirana meel la isla wada dhigo”

 

Sidoo kale Prime Ministerka wuxuu ka jawaabay su’aal kale oo ku saabsanayd qaabka ay ku bixi karaan ciidamada Itoobiya iyo habka ay ku imaan karayaan ciidamada AMISOM iyo haddii uu kala hadlay Mas’uulka Midoowga Yurub in ay ka taageeraan dhinaca dhaqaaalaha ayuu ku jawaabay waxaa uuna yir.

 

 

“ Ciidamada AMISOM in qarash loo helo oo la soo dhamays tiro maadaama ay tirade hadda joogta ay yar tahay hore ayaa looga hadlay shirkii Madaxda Midoowga Afrika haddana waa ka wada hadalnay, ciidamada Itoobiya laakin joogitaankooda iyo bixidoodaba waxay ku xiran tahay ummadda Soomaaliyeed oo isu timaada wada hadasha mucaaradka iyo dowladda in ay wada hadlaan oo ay isla gartaan in ciidamadaasu joogayaan iyo in ay baxayaan waxay ila tahay go’aankii markaas la gaaro ayaa soconaaya”

 

Ugu danbayntii Prime Ministerka Nuur Xassan Xuseen Nuur Cade waxaa la waydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya inuu Qaahiro wada hadal kula yeelan doono mucaaradka iyo inuu tagi doono magaaalada Casmara ee dalka Eritrea oo xarun u ah mucaaradka wuxuuna ka yiri.

 

“ Run ahaantii waxba kama jiraan warkaas annaga waxaan hore u sheegnay mucaaradka inaan kula kulmi doono meel kasto ay joogaan oo aan la xaajoonayno oo aan diyaar u nahay taas horena waan u cadeynay laakiin hadda qorshe maantay go’an oo aan Qaahiro iyo Casmara aan ku tagayno safarkaynaan ma jiro”

 

Mudane Nuur Cadde ayaa beri kulamo la yeelan doona Baarlamaanka Midoowga Yurub iyo Sarkaalka Midoowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Gar Gaarka iyo Horumarinta Mr. Louis Michel.

 

Waxaa xusid mudan in uu Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde sidoo kale berri kulan la leeyahay safiirada Midoowga Yurub u qaabilsan arrimaha Amniga iyo Nabad Galyada oo loo yaqaano Peace and Security Council (PSC) kulankaan haddu dhacana waxaa Mudane Nuur Cadde uu noqonayaa Mas’uulkii seddexaad ee Afrikaan ah oo la kulma PSC waxa hore ula kulmay Madaxa Gudddiga Midoowga Africa Alpha Omar Konare iyo Ra’iisul Wasarihii hore ee DFKMG ah Mudane Cali Maxamed Geedi.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo ay socdaalkaan ku wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Jangali iyo Wasiirka Maaliyada Mudane Xaamud ayaa maanta waxay la hadli doonaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Yurub.

 

Maxamed Axmed Suufi Xafiiska Warqabadka Shabakada Carmooyin.com Brussels

Share this post


Link to post
Share on other sites

bbbb.jpg

 

R/wasaare Nuur Cadde oo ku sugan Brussels

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 11-Febraayo-08

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada kumeel gaar ah ee somalia Nuur Xasan Xuseen {Nuur Cadde} ayaa waxaa uu gaaray xarunta Midowga Yurub ee Brussels, waxaaana wararka halkaa kamimaanaya ay sheegayaan in uu lakulmaayo Madaxa horumarinta Midowga Yurub Louis Michel, Saraakiisha qaabilsan Afrika isagoo u bandhigi doona waxaana ay kawada hadli doonaan qorshaha Siyaasadeed ee Xukuumaddiisa doonayso in ay ka qabato Guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa kamid ah Wasiirada Maaliyadda iyo arrimaha Dibadda Maxamed Cali Xaamuud iyo Jangali ayaa sidoo kale la filayaa in ay soo maraan dalal kale oo Yurub ka mid ah halkaasoo kulamo gooni goono ah laqaadan doono.

 

Nuur Cadde ayaa u fasiri doona dalalkaas qaabka uu doonayo inuu ula hadlo kooxaha ka soo horjeeda Dowladdiisa isagoo doonaya inuu wax ka bedelo Siyaasadda arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka oo uu wada hadalo lafuro kooxaha kaoso horjeeda siyaasada dowlada.

 

Warar aan xaqiiq ahayn ee uu baahiyay ayaa waxaa lasheegayaa in raiisal wasaare nuur cadde safarkiisa kadib uu tagi doono magaalada Casmara halkasoo kulamo laqaadan doono masuuliyiinta maxaakimta balse arrintaa waxaa beeniyay gudoomiyaha golaha maxaakiimta islaamiga Sh.Shariif Sh,Axmed oo lahadlaayaya mid kamid ah saxaafada gudaha oo uu sheegay in uu san ogayn wada hadalkaasi oo doonayo Nuur cadde.

 

Ilaa iyo imainka lama oga safarka uu raiisal wasaare Nuur caddde uu wax kabadali karro dadaalad uu ku doonayo dib u heshiisiin loo dhanyahay.

 

Dhawaan waxaa jiray qilaaf xoogan oo udhexeeya madaxwaynaha iyo raiisal wasaaraha kaasoo kusaabsanaa qaabka loo wajahayo dib uheshiisiinta uu wado Nuur Cadde lakaiin waxaa muuqata in xukuumada Nuur Cadde ay taageero kahalayso magaalada caasimada ee Muqdisho kadib markii uu lasoo baxay siyaasada fur furan.

 

C/laahi Xassan Baliil

Baliilkhan10@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Midowga Yurub oo amanay talaabooyinka ra’isul wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Cadde ) uu u qaadayo dhinaca dib u heshiisiinta.

 

Masuulka Midowga Yurub ugu qaabilsan horumarinta iyo gargaarka bini’aadanimada Louis Michel, ayaa maanta ku dhawaaqay in uu si weyn u soo dhaweynayo horuamrka la taaban karo ee uu sameynayo ra’isul wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya Nuur Cadde,kaas oo ku aadan in nabad iyo degenaasho dib loogu soo dabaalo dalka Soomaaliya oo dagaalo sokeeye ay ka soconayeen mudo ku dhow 20 sanadood.

 

Masuulka Midowga Yurub ugu qaabilsan horumarinta iyo gargaarka bini’aadanimada Louis Michel, ayaa maanta ku dhawaaqay in uu si weyn u soo dhaweynayo horuamrka la taaban karo ee uu sameynayo ra’isul wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya Nuur Cadde,kaas oo ku aadan in nabad iyo degenaasho dib loogu soo dabaalo dalka Soomaaliya oo dagaalo sokeeye ay ka soconayeen mudo ku dhow 20 sanadood.

 

Mr. Michel waxaa uu soo dhaweeyay dadaalada ra’isul wasaare Nuur Cade ee ku aadan in horay loo sii dhaqaajiyo geedi socodka nabada dalka Soomaaliya,waxaana uu sarkaalkan Midowga Yurub u hadlay sheegay in uu taageero dhan kasta ah la garab istaagayo ra’isul wasaare Nuur Cadde,si loo suura geliyo in dalka laga qaban qaabiyo doorashooyin madax banaan oo dimoqoraadi ah marka la gaaro sanadka 2009-ka.

 

"Waan soo dhaweynayaa si weyn ayaana u taageersanahay dadaalada uu wado Ra’isul wasaare Nuur Cadde oo dowladiisu ay sameysay wax yaabo badan oo dib u heshsiinta kaabaya”ayuu yiri masuulka midowga Yurub ugu qaabilsan hour marinta iyo gargaarka bini’aadanimada Louis Michel .

 

Louis Michel,waxaa uu sheegay in ra’isul wasaaruhu uu durbaba ku dhaqaqay meel marinta balan qaad uu sameeyay xilligii jagada loo dhaarinayay,oo ahaa in uu wada hadal la galayo kooxaha mucaaradka,dibad joogyada Soomaaliyeed,bulshada rayidka iyo cid kasta oo wax tabaneysa.

 

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in ra’isul wasaare Nuur Cadde uu isiiyay balan qaad ah in uu horu marinayo qorshaha nabada Soomaaliya ka hor inta aanay dhamaan mudada jiritaanka dowladda federalka Soomaaliya”ayuu mar kale yiri hour marinta iyo gargaarka bini’aadanimada Louis Michel.

 

Midowga Yurub waxaa uu sheegay in uu bixinayo lacag dhan in ka badan 254 million oo Euro oo loo adeegsanayo salka u dhigida nabada iyo xasiloonida Soomaaliya ,waxaana kharash gareynta lacagtaasi ay bilaabaneysaa sanadkan aanu ku jirno,iyadoo socon doonta ilaa iyo 2013-ka.

 

Intii uu socday kulan muddo saacad ka badan qatay oo uu la yeeshay ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayuu sarkaalkan Midowga Yurub ka tirsani sheegay in loo baahan yahay si deg deg ah in loo soo dhameystiro daad gureynta ciidamadii dalalka Afrikaanku ay u balan qaadeen Soomaaliya,isago beesha caalamkana ugu baaqay in ay gacan weyn ka geysato maal gelinta xasilooni kusoo dabaalida Soomaaliya.

 

Waxaa uu sheegay soo daad gureynta ciidamadani in ay muhiim u tahay ka saarista ciidamada Itoobiyaanka ee dalka Soomaaliya.

 

Michel,waxaa uu ugu baaqay ra’isul wasaaraha Soomaaliya iyo dhamaan masuuliyiinta Soomaaliyeed in ay xaqiijiyaan dhowrista xuquuqda aadanaha iyo sugida amaanka shaqaalaha gargaarka caalamiga ah ee u yimid in ay shacabka Soomaaliyeed wax taraan.

 

Michel ayaa sheegay in bartilmaamedsiga shaqaalaha gargaarku uu yahay mid kasoo hor jeeda shuruucda caalamiga ah,isla markaana uu horseedayo oo keliya dhibaatooyinka Soomaalida heysta oo sii bata, sababtoo ah shaqaalahga gargaarku hadii amaankooda khatar la geliyo way ka baxayaan dalka.

 

Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this