Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu- the alternative voice

Recommended Posts

CAWO IYO MAALIN DOWLADDA FEDERAALKA!! [Faallo]

 

Ma yara hagardaamooyinka loo geystay shacabka Soomaaliyeed, waxaana goor walba ku dhex jiray dhuuni-qaatayaal u taagan u xusul duubka bakhtiinta ileys kasta oo u soo bidhaama, maanta kuwa diidan inay shaqeyso Dowladda Federaalka si shacabku u helaan nabad iyo sharci waxay si is indha tir ah u goo goobayaan xagaldaacin ay ku dhimaan karaarka xooga leh ee uu ku socdo hadafka Dowladda kuna aadan badbaadada shacabka, shaqsiyaad loo huwiyay heybadda Qaranka una koor lulaya dano gaar ahaaneed iyagoo is ilowsiinaya in xaalada maanta jirta ay wax badan ka bedelan tahay tii shalay.

 

Aan dib u qooraansano 14-kii shir ee loo qabtay kooxaha Soomaalida laguna baadi goobayay dib u heshiisiin iyo dhisme Qaran kana horeeyay shirka Nairobi kuwaasoo maxsuulkoodu noqday burbur iyo kala fogaansho iyagoo kooxaha wax diidan ay hadba iin u yeelayeen wixii la isku raacay, haatan waxaa la gaaray guul taariikhi ah, lafa murux iyo turunturooyin badan kaddib waxaa la unkay Dowlad Qaran oo la isku wada raacsan yahay loona dhaartay in lala shaqeyn doono, waxaa soo if baxay raadkii hore kooxo fara ku tiris ah ayaana u rucleynaya inay xaalada dib u celiyaan, ifafaalaha guusha ee muuqdana waxba kama jiraan ka dhigaan.

 

Waa doqonimo inaad baaqi ku sii ahaato wixii aad hore ugu soo baratay, haddii aad jeceshahay inaad weli ku sii dhex jirto riyadii qiyaaliga ku dhisneyd ogow in isbedel weyni uu jiro, Dowladani way ka turuqyo waaweyn tahay in meel cidlo ah lagu shakaalo, waxaana hagaya awood Ciidan iyo aqoon salka ku heysa u bislaasho siyaasadeed, sidaa darteed marnaba suuragal noqonmeyso waxa ay qas-wadayaasha tirada yar ee Qaran-diidka ahi ku taamayaan, cid walbana waxa ay ka dheregsan tahay inaanu miradhal noqoneyn hadafkooda ma dhaleyska ah ee isbaaro u dhigashada dhismaha Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo runtu ay si buuxda u cadaan doonto lana ogaan doono waaqiciga dhabta ah iyo sartu ka quruntay xilli aan sidaa u sii fogeyn.

 

Shacabka dulman ee Soomaaliyeed waxay diyaar garow xoog leh ugu jiraan marxalada kala guurka ah, iyagoo ka tallaabsanaya 14-sano oo ay ku soo dhex jireen dagaalo qabiil, burbur iyo nidaam la'aan, waxayna u heelan yihiin inay cagta saaraan wadada dib u helida Dowladnimo, iyagoo soo maray tijaabooyin iyo waaya aragnimo ay wax badan ku soo kororsadeen, kuwaas oo ku qasbaya inay naf iyo maalba ugu hiilliyaan taabagelinta Dowladnimada cusub.

 

Rajada iyo yididiilada shacabku qabaan waxaa cirka sii gaarsiiyay geesinimada ka muuqata Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha oo har iyo habeen u taagan sidii ay samatabixinta shacabka ugu guuleysan lahaayeen, iyagoo og inay horyaalaan turunturooyin fara badan oo lagu doonayo in dadaalka ay wadaan looga dhigo hal Bacaad lagu lisay.[/b][/i]

 

Hoggaamiye dagaal oo maskaxda laga qalday ilowsanna in goor hore laga tifay baalashii uu ku duulayay ayna ku hareereysan yihiin maxeysato dano gaar ah leh iyo kooxo dhuuni-qaatayaal ah oo malafsanaya luf lufka gacan mariska ah waa ogyahay inaanu lahayn awood uu ku hor istaago daruur ay da'ideeda shacabka Soomaaliyeed muddo 14-sano ah sugayeen harraad badanna u qabeen, horaase loo yiri: "Mukulaal meeshii ay mac ku barato ayay macluul ugu dhimataa!!", cidna uma fadhido in habka daalka iyo aaraa'da guracan ku dhisan uu soo kordhinayo waxaan is hiifid iyo shallayto ka ahayn, kuwa baadida ahna goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen ayay soo baraarugi doonaan, xilligaas oo aysan jireyn wax aan xisaabtan ka ahayn, waxayna shacabka dulman ee Soomaaliyeed iminka dareemayaan inuu ka sii degayo culeyskii dulsaarnaa, inkastoo rabitaankoodu yahay mid afka kaliya ku eg aysanna awood u lahayn inay xitaa fikradooda si cad u muujiyaan maadaama ay yihiin la heystayaal u garba duuban kooxaha qas-wadayaasha Qaran-diidka ah, inta yar ayaa noqotay shiiqiye, halka tirada badan ay ka yihiin shiiqsanayaal, taasoo suuragal ka dhigtay in ogolaanshaha iyo diidmadaba ay ka timaado inta yar, waxayna shacabka dulman ee Soomaaliyeed mudadii 14-ka sano ahaydna dhibaatadii baaxada lahayd haleeshay leeyihiin CAWO IYO MAALIN DOWLADDA FEDERAALKA.

 

 

Waxaa Qoray: Muuse Maxamed Cusmaan

muusekiimiko@hotmail.com

muusekiimiko@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

ISKA SAAR CUQDADA!!

 

Ø Qoraalka Madaxweynaha + kan Ra’iisal Wasaaraha X kan boqolka Xildhibaan -:- aqbalka Guddoomiyaha = cabsida Shariifka.

 

Ø Wufuuda labada Gole + Muqdishaa la nabadeynayaa X Macallimad baa la dilay -:- SOS baa Bam lagu tuuray = ?

 

Ø Kuleylka magaalada + kacdoonka Kaduudiyaha X kaalinta Kooka Koolada -:- kan Maraq Digaaga = Al-Cadaala.

 

Ø Wareegtada Ra’iisal Wasaaraha + wada tashiga Wasiirka arrimaha gudaha X magacaabista duq magaalo -:- Maxamuud Xasan Cali = Naxdinta Shaawey.

 

 

Xafiiska somaliweyn ee Muqdisho

 

somoginfo@somaliweyn.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this