Deeq A. Posted July 27, 2024 Dowlada Fedaraalka Itoobiya ayaa soo saartay Warsaxafadeed ay isaga fogeyneyso eedeymo ay u jeedisay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay ka mid aheyd hubkii dhawaan lagu boobay magaalada Caabudwaaq. Warsaxaafadeed ayaa kasoo baxay Xafiiska Wasaarada arrimaha dibadda dalka Itoobiya oo ku qornaa Af-Soomaali iyo Ingiriis ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay si dhaw ula socoto hadalada kicinta ah ee kasoo yeerayay dhawaanahaan dambe dowladda Soomaaliya. Itoobiya ayaa sheegtay in dhamaan eedeymaha uga yimid dowladda Fedaraalka Soomaaliya iney yihiin kuwa aan sal iyo raad toona laheyn, islamarkaana Itoobiya sodon sano iyo dheeraad ay si hagar la’an ah ugu howlaneyd ka shaqaynta xasiloonida iyo dawlad dhiska dadka walaalaha ee Soomaaliya. Warsaxafadeedka Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya ayaa lagu yidhi “Itoobiya aad ayay uga xun tahay hadalada ah kuwa aan loo meel dayin iyo masuuliyad darro oo ay ku kaceen marar kala duwan madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, si ay mugdi u galiyaan doorka togan ee dowladda Itoobiya ku leedahay dowladnimada Soomaaliya” Source Share this post Link to post Share on other sites