Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ogolaatay arrin ay muddo diidaneyd oo la xiriirta SSC-Khaatumo

Recommended Posts

Deeq A.   
KAAHIN.jpg?fit=960%2C640&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horreysay shaacisay inay diyaar u tahay in wada-hadal la furto hoggaanka gacanta ku haya Laascaanood, kaas oo salka ku haya maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaalkii labada dhinac.

Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin oo la hadlay BBC ayaa ku dhowaaqay arrintaan, isaggoo sheegay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay in wadaxaajood laga furo arrinta maxaabiiista.

“Somaliland maxaabiista meel fiican ayay ka taagan tahay, markastana waxay diyaar u tahay si nabad-galyo ah oo aan shuruudo lahayn in arrinta maxaabiistaa dhinacyadu uga wada-hadlaan,” ayuu yiri wasiir Kaahin.

Sidoo kale wuxuu xusay in wada-hadalka dhinacyada ay wax ka bilaaban yihiin laakiin ay wali qabyo badani ku jirto, sidaas darteedna aan la sheegi karin waqti rasmi ah oo xal laga gaari karo arrinta maxaabiista, oo muddo ku kala xiran Hargeysa iyo Laascaanood.

Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa maxaabiis ku kala qabsaday dagaalkii Laascaanood, illaa haddana ma jiro wada-hadal rasmi ah oo lagula kala wareegayo maxaabiista, marka laga imaado daadallada hoose ee Somailand shaacisay.

Horey, SSC-Khaatumo ayaa shuruud uga dhigtay sii deynta maxaabiista Somaliland ee gacanta ku hayaan illaa inta laga gaarayo heshiis nabadeed buuxa, mana cadda inay taas aqbashay xukuumadda Somaliland.

Somaliland ayaa dhankeeda dhowr jeer SSC-Khaatumo ku eedeysay in si arxan darro ah ula dhaqantay maxaabiista gacanta ku hayaan, halka taasi bedelkeeda ay SSC sheegtay in maxaabiistaas si wanaagsan loola dhaqmo, iyada oo u ogolaatay inay booqato hay’adda ICRC.

The post Somaliland oo ogolaatay arrin ay muddo diidaneyd oo la xiriirta SSC-Khaatumo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this