Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo mamnuucday in Soomaaliya la keeno…

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in aan dalka la keeni karin daawooyinka loo isticmaalo maandooriyaasha, kuwaasi oo muddooyinkii dambe soo badanayay.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Maxamed Xasan ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii loo joojin lahaa daawooyinka aan laheyn nidaamka iyo habraacyada sharci ee ay wasaaradda ugu tala-gashay qaabka ka ganacsiga adeegyada daawooyinka.

“Haddii waddo qaldan dalka lagu soo geliyo daawo qaldan waxaan ku qasbanahay in aan wax ka qabanno halista ay wajahayaan dadkeenna,” ayuu yiri wasiirka, oo hoosta ka xariiqay in ganacsiga dawooyinka ay noqdaan kuwo waafaqsan sharciyada dalka.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in laga waantoobo iibka daawooyinka aan tayada laheyn, kuwa dhacay iyo maandoooriyaasha intaba, “ha laga digtoonaado daawooyinka liita iyo kuwa sida qaldan loo isticmaalo.”

Wasiirka oo ka qeyb-galay kulanka todobaadka warbaainta qaranka ayaa dhanka kale waxa uu tilmaamay in lagu baxay dowlad ahaan cudur la sheegay in uu ka dillaacay gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo loo yaqaanno cudurka Gowracatada.

Waxa uu sheegay in cudurkaasi ay illaa hadda u dhinteen laba ruux, halka laga daaweynayo illaa 21 qof, isaggoo calaamadooyinkiisa uu ku tilmaamay dhuun xiran, beef qabatoow iyo tabar-yari.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in adeeg caafimaad oo buuxa laga hirgeliyay deegaanadii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay dowladda dib u dayactir ku sameysay isbitaallo muddo xirnaa, lana gaarsiiyay gawaarida caafimaad ee qalabkooda u dhameystiran yahay.

The post DF oo mamnuucday in Soomaaliya la keeno… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this