Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Hindi ah oo si weyn ugu gefay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
66a3425d57753-in-his-address-to-the-parl

Mumbai (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka India oo lagu magacaabo Raghav Chadha ayaa tusaale xun usoo qaatay Soomaaliya xilli uu khudbad ka jeediyay golaha.

Raghav ayaa sheegay in muwaadiniinta India ay canshuurta u bixiyaan sida Ingiriiska oo kale, ayna helaan adeeg liita oo lamid ah kan Soomaaliya.

“Muwaadiniinta India sidii kuwa Ingiriiska ayey canshuurta u bixiyaan, haddana waxay helaan adeeg lamid ah midka dadka ku nool Soomaaliya,” ayuu yiri Raghav Chadha oo si weyn u dhaliilsan adeega ay bixiso dowladda India.

Xildhibaanka oo si weyn u dhaliilsan xadiga canshuurta ay qaado iyo tayada adeegyada ay bixiso ayaa tusaalaha foosha xun usoo qaatay Soomaaliya, oo lagu tiriyo waddamada ay madaxdeedu ka shaqeystaan ee aysan u shaqeyn bulshadooda.

Soomaaliya oo in ka badan 30 sano kusoo jirtay fowdo, nidaam la’aan iyo colaado, ayaa adduunka u noqotay tusaale xun, ayada oo horey sidan oo kale madax kala duwan tusaaleyaal fool xun ugu soo qaateen dalkeenna.

Trump, madaxweynihi hore ee Mareykanka ayaa la xasuusta Trump in Soomaaliya uu horer ugu tilmaamay wadamada ugu halista badan caalamka, islamarkaana ah gunta argagixisada.

Halka Museveni oo ah madaxweynaha Uganda ayaa isna kamid ah madaxda caadiyeystay inay Soomaaliya u soo qaatan tusaalayaasha ugu xun-xun, oo liidid ah. Falalkan aan garowshiyo lahayn ayaa sharaf-dhac ku ah sharafta dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

The post Xildhibaan Hindi ah oo si weyn ugu gefay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this