Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha dagaalka Ruushka oo lagu arkay xuduudda Mareykanka – Maxaa soo kordhay?

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0aff-0242-0ef3-08dcac8ad6b1_w40

Washington (Caasimada Online) – Maraykanka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo Shiinuhu inay ku soo dhowaadeen xuduudda hawada sare ee Maraykanka gaar ahaan agagaarka xeebaha gobolka Alaska.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa u sheegay saxaafadda in wararka sheegaya in diyaaradaha Ruushka iyo Shiinaha ee lagu arkay meelo u dhow xeebaha Maraykanku in aanay ahayn wax lala yaabo, islamarkaana aanay haatan jirin khatar deg-deg ah oo ay ku hayaan amniga Maraykanka.

Xoghayaha ayaa sheegay inay leeyihiin awood ciidan oo ku filan oo ay ku ilaalin karaan ammaanka Maraykanka.

Waxa uuna intaas ku daray inay si dhow ula socdeen diyaaradahan, islamarkaana ay ka hortageen ciidamada Maraykanku, taas oo muujinaysa in ciidamada Maraykanku ay heegan ku jireen.

Waxa uu sheegay in haddii diyaaradaha Shiinaha iyo Ruushku ay mustaqbalka dhow sameeyaan duulimaadyo kuwan la mid ah, in ciidamada Maraykanku ay diyaar u yihiin.

Taliska difaaca hawada sare ee Maraykanka ee qaabilsan dhinaca woqooyi ayaa Arbacadii la wadaagay masuuliyiinta Maraykanka, inuu jiro dhaqdhaqaaq ay wadaan diyaaradaha Ruushka iyo Shiinuhu.

Taliska difaaca hawada sare ayaa sheegay inay dabagal ku sameeyeen labada diyaaradood, kuwaas oo ku soo xadgudbay aagga aqoonsiga difaaca hawada ee Maraykanka ee ADIZ.

The post Diyaaradaha dagaalka Ruushka oo lagu arkay xuduudda Mareykanka – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this