Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Jabuuti Heshiis dhinaca Difaaca ah la saxeexatay Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Djibouti ayaa Markii labaad Cusboonaysiisay Heshiiskii Difaaca ee kala dhexeeyay Wadanka Faransiiska ee Gumaysan jirtay wixii horreeyay gobanimada wadankaasi.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ku sugan Paris, ayaa ku heshiiyey Maanta in dib loo cusboonaysiiyo iskaashiga difaaca ee labada dal, ka dib wadahadalo socday laba sano.

Heshiiska la cusboonaysiiyay ayaa dhigaya in ay Djibouti sii joogaan  1,500 oo ka mid ah Askarta Militeriga Faransiiska oo fadhigoodu yahay Djibouti.

Heshiiskan difaaca ee la cusboonaysiiyay ayaa markii ugu horreysay la saxeexay 1977-kii markii Djibouti ay xoriyadda heshay,  waxaana dib loo cusbooneysiiyay 2011, waana markii labaad ee la cusboonaysiiyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this