Paragon Posted October 31, 2006 Cadde iyo Gagab oo isku eedeyay xatooyo 31 Oct 31, 2006, 10:08 Madaxwaynaha DGPL Maxmuud Muse Xirsi "Cadde" oo maanta ka hadley furitaanka kalfadhiga 17 aad ee golaha Baralamanka DGPL ayaa sheegey in Maaliyadii Puntland ay kala qateen wasiiradii iyo Agaasimayaasha Guud, Gagaab-na uu qayb ka yahay xatooyadan. Cadde Muse ayaa kalfadhiga hortiisa ka yiri si kaftan ku jiro aniga iyo Gagaab lacagtii aan qaadan jirey waxaan ku dhiseynaa Garoonka Bosaso. Dhinaca kale Gagaab ayaa sheegey in lacagaha dowlada la qaato ka hor inta aysan soo gaarin wasaaradiisa ama Bangiga Dowlada isaga oo tilaamey in hadii wax lagu qabto iyo hadii kaleba ay Xatooyo tahay. Wasiirka Maaliyada Mr.Gagaab oo ka jawaabaya hadal ahaa in guux dadweyne uu jiro ayaa sheegey in dadwaynuhu uusan dambiga laheyn balse dowlada ay wax weyn ka khaldanyihiin ayna taariikhdu qori doonto cidii wax xadey isla markaana aysan wax tareyn in dad dowlada ka tirsan ay Internet-ka dacaayado ku qoraan. Madaxwaynaha DGPL Cadde Muse iyo wasiirkiisa Maaliyada ayaan looga baran is cambaareynta noocaan oo kale ah madaama ay heshiis ku yihiin howlo ka badan dakhliga ka soo gala kaabayaasha dhaqaale ee Puntland. Isha wararka: Garowe Online, Garowe ----- Cadde Muuse "waxaa ku bixinaynaa 300 boqol oo kun ee nala ka rabo 200 oo aad nagu xamanayseen aniga iyo Gaagaab boqol aan ugu darro" Garoowe, Waxaa maanata si rasimya loo furay kal fadhigii golaha baarlamanka Puntland furitaankaakii iyo sugaan kala duwan oo halkaas lagu soo bandhigay ka dib ayaa waxaa halkaas ka hadlay gudomiyha baarlamanka wuxuna hadalka ku soo dhaweeyey madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse Boqor. Cadde Muuse oo halkaas ka hadaly ayaa waxaa uu sheegay wixii uu ku saabsanaa safarkoodii mudada labada bilood ku dhow ah qaatay waxaana uu golaha hortooda ka sheegay sheegay ina heshiis la soo galeen 40 sharikadood ayna si dhakhsa ah u imaan doonaan gobolada Puntland. Waaxa kale oo uu sheegay inay la soo heshiiyeen shirkaddii dhisi lahayd Airporka magaaladda boosaaso waxa ayna noo sheegeen in anaga doonayaan 300 kun oo dollar waxanan rabnaa buu yiri inaan ku bixino labadii boqol oo aad nagu xamanayseen aniga iyo Gaagaab iyo boqol aan ku daro. "waxaa ku bixinaynaa 300 boqol oo kun ee nala ka rabo 200 oo aad nagu xamanayseen aniga iyo Gaagaab boqol aan ugu darro" ayuu Cadde Muuse Mar uu ka hadalyey golaha wasiiradda Puntland ayuu sheegay in ay jiraan wasiirada qaar tuugaa lagana saari doono maamulka lana sixi doono khaladka xaga mamula ku jira. "wasiirada qaar tuugo ah aa jira waana laga saarayaa maamulka, qaldka jirana waa la sixi doonaa" ayuu yiri Cadde Muuse oo aan markaas cara baabin wasiirada wax xaday iyo waxay xadeen toona. Cadde oo ekaa nin aan nin ku dhaafin khodbadiisa maanta ayaa baarlamaankana waxa uu sheegay inay ku jiraan dhawr qurmiye, waxaanu sheegay inay ka takhalusi doonaan. Beri ayaa si rasmiya waxaa u furmi doona kaldhiga,waxaana rasmi ah loo guda gali doona ajandaha kal fadhiga. Khod badda madaxweynaha ee maanta ayaa si aad ah magaalada Garoowe looga hadal hayaa, waxaana dadka siyaasada ka faaloodaa sheegayaan guud ahaan hadalka Cadde Muuse uu ahaa mid ka arradan dhinaca dublamaansiyada, waxaanu u ekaan nin la hadalya ilma uu dhalay oo uu iskool ku canaananayo. Max'ud Max'ed Jaamac (Amooroos) Waayaha.net,Garoowe,Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted October 31, 2006 Waraa Paragon...maanta duke maa dan leedahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted October 31, 2006 ^^ maya maya Che. I am just updating the politics section with news from Puntland. I feel budhlaandays maanta . PS: Duke should be happy today, his kinsmen (and that of C/Yussuf) have their own Islamic Court . Very happy addition to the coalition. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 31, 2006 Alla maxaa qaar wadnuhu go'ayaa maanta ,,,, i wish inaan dadka qaarkood wejigooda arki lahaa ,,,, aheey ah ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted October 31, 2006 Originally posted by Oodweyne: Hello Folks , quote: Originally posted by Paragon ; PS: Duke should be happy today, his kinsmen(and the of C/Yussuf) have their own Islamic Court . Very happy addition to the coalition. Waryaa, Paragon , Waar waa ku sidee, sala-calee, Ma waxaad Doonaysaa in aad Gen. Duke aad ku furto "Another front" ; iyadoo waliba tii hore ee Baidaba ku taalay, ee Adeero Yeey nafta ku sasabayey Xabashi ayaa kaa difaaci doonta xoogagaa kuu soo qoryo-guranaya ee Xamar ka soo socda; ayuu wali shakhsiyan, la lagdamayaayee, sidii uu isaga dhaadhicin lahaa, in Mr. Melez Tigrey iyo Qawaamiirtiisii day-dayga ahaa ee uu u soo ururiyey, ay kursiga adeerkii u xejin doonaan.... Markaa, Paragonow , waxaad yeeleysaa, Adeer , Qodhaa iyo xeradaa, oo xilahaagu ku xidhaa, ka daa cayaayirka, Il Generale oo ha gilgilin; ninku nin xun maahe e, waxaase uun madax-maray, sidii uu u xejin lahaa Kursiga Adeerkii ; oo kadaa wadnaha ayaa go-i doone eh.... Regards, Oodweyne. Loooooooooool@OodWeyne. Adeer, sidaasaad igu ogtahay. Odeyga Duke ah, waa sidaad sheegtaye nin xun ma aha mar waanan ka nixin doonin oo soo daabici maayo war kale oo wadnaha gooya . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ms DD Posted October 31, 2006 Duke did say that things will heat up at the 1st of Nov. Maybe this was it. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted October 31, 2006 ^^Absolutely. But we were expect blitzs in Buur Hakabo and not New Courts and corruption from the homebase itself. It is disasterious, very disasterious I tell ya . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ms DD Posted October 31, 2006 lol ^^..I heard that Cadde was talking to ICU on the low. Not sure how true this is. Maybe Duke can help to clarify Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted October 31, 2006 Loooooooooool@OodWeyne. Adeer, sidaasaad igu ogtahay. Odeyga Duke ah, waa sidaad sheegtaye nin xun ma aha mar waanan ka nixin doonin oo soo daabici maayo war kale oo wadnaha gooya . Tanug you.Meeshaan la,aantiis ma socon kartee. I feel budhlaandays maanta Saaxib, Wadaado wixii "land" ku jira ma jeclay, say tala ah. Cambarro...You could be vacationing in the Islamic Republic of Pland....lol Quote Share this post Link to post Share on other sites