Sign in to follow this  
General Duke

Puntland: Garowe gets new mayor...New education program

Recommended Posts

map_puntland.JPGManhaj cusub oo Mideeya waxbarashada deegaanada Maamul Goboleed Puntland oo la Sameeyay

 

Last Updated::2006-09-02 12:57:50

 

Bosaso:- Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa sheegtey in la dhaqan geliyay Manhaj cusub

oo loo samaynayo Waxbarashada Asaasiga ah ee deegaanada Maamul Goboleedka Puntland.

 

Wasiirka Waxbarashada Puntland Ahmed Siciid Aw Nuur oo habeenkii xalay ahaa ka hadlayay xaflad ka dhacday Jaamacada Bariga Afrika (East Afrika University) ee Magaalada Boosaaso ayaa soo bandhigay qorshaha Manhajka cusub oo uu sheegay in sanadkan 2006/2007 uu ka dhaqan gelidoono dugsiyada Puntland.

 

Manhajkaan ayaa la filayaa in uu wax wayn ka badali doono Waxbarashada kala Manaahijta ah ee ka jirta deegaanada Puntland, kuwaasi oo haysta Manajiih kala duwan oo ah Wadamada Dariska la ah Soomaaliya.

 

Wadamada Manaahijtoodu sida wayn looga dhigto gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland ayaa waxaa ka mid ah sida Yemen,Kenya, Masar, iyo Sucuudiga oo dhamaantood ku salaysan luuqada Carabiga iyadoo ay jiraan dugsiye kale oo ku baxa luuqada ingiriiska.

 

Waxaana Manaahijtaan uu wax weyn ka badali doonaa dhamaan Manhajyadaas kala duwan oo uu noqon doono in dhamaan dugsiyada Puntland ay qaataan hal Manhaj oo Midaysan oo isku mid ah,dhawaana ay dhaqan galin doonto Wasaarada Waxbarashada Deegaanada Puntland.

Manhajkaan Cusub ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili ay furmayaan Sanad dugsiyeedka 2006/ 2007 dugsiyada deegaanada Maamul Goboleedka Puntland.

 

Isku soo wada duuboo waa markii ugu horaysay oo Wasaarada Waxbarashada Maamul Goboleedka Puntland ay soo bandhigto Manhaj u fududeeya dugsiyada sidii ay u socon lahaayeen waxbarashadooda.

 

Yusuf Mohamed Ismail (Gaduudow)

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duqa magaalada Garowe oo la doortay

Last Updated::2006-09-02 13:14:28

 

War deg deg ah:- Waxaa qadar yar kahor lasoo geba gabeeyey doorashadii Guddoomiyaha Degmada Garowe oo maanta ka dhacday Xarunta PDRC.

 

Munaasabad balaaran oo ka dhacday Xarunta Cilmi baarista ee PDRC ee magaalada Garowe, ayay Xildhibaanada Golaha degmada Garowe ku doorteen Guddoomiyaha Cusub ee Golahaasi.

 

Doorashadan ayey isku soo taageen labo musharax oo kala ah:

 

1.Cabdulqaadir Cusmaan Samatar ( Food Cadde)

2.Cawil Mataan Tooxyare

 

Madasha doorashada ka dhacday ayaa waxaa fadhiyey 23 kamid ah xildhibaanada 27ka gaaraya ee Golaha Deegaanka Garowe.

 

4 Xildhibaan ayaa ayagu madasha ka maqnaa ayadoo codbixinta ay u dhacday.

 

1.Cabdulqaadir Cusmaan Samatar ( Food Cadde) - 13 cod

 

2. Cawil Mataan - wuxuu helay 9 cod, halka 1 codna uu xumaaday.

 

Sidaa ayey guusha doorashada ugu raacday Musharax Cabdulqaadir Cusmaan oo noqday Guddoomiyihii 3aad oo ay soo doortaan Golaha Degmada Garowe.

 

Labo jeer oo hore ayey golaha deegaanka Garowe sidan oo kale u soo doorteen Guddoomiyahooda ahna duqa magaalada Garowe.

 

Degmada Garowe ayaa noqotay degmada kaliya ee Puntland oo muddo kooban ay ka dhacaan 3 doorasho guddoomiye.

 

Munaasabadii doorashada ee maanta ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Puntland Md.Maxamuud Muse Xirsi, iyo xubno badan oo ah Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

 

Waxaa sidoo kale madasha ku sugnaa Issimada gobalka, Cuqaal iyo waxgarad kale oo lagu casumay. Waxaana halkaasi ku sugnaa Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muse.

 

Madaxweynaha Puntland oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in looga baahan yahay maamulka cusub ee degmada inuu wax qabad la taaban karo uu muujiyo ayadoo uu sheegay in arrimaha ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in wax laga qabto ay tahay amniga caasimada.

 

Guddoomiyaha cusub Md.C/qaadir oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay dhamaan Xildhibaanada Golaha ee doortay iyo kuwa kaleba.

 

Wuxuuna sheegay in hawsha culus ee loo dhiibay uu la kaashan doono hirgelinteeda cid walba oo gacan kusiisa.

 

Islaan Ciise oo asaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku baraarujiyey Golaha degmada iyo waliba Guddoonka cusub in ay wax weyn ka qabtaan arrimaha Bulshada ku dhaqan degmada oo wax weyn loo baahan yahay in laga qabto sida dhinaca Nadaafada iyo wacyi gelinta.

 

Munaasabadii maanta ee lagu doortay Guddoomiyaha cusub ayaa si wanaagsan u dhacday ayadoo ay kasoo qeyb galeen shacabweyne badan oo xiiseenayey daawashada Doorashadan.

 

C/risaaq Shiino

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this