Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Ciidanka PSF ee Puntland oo soo bandhigay sarkaal ajnabi ah oo laga qabtay maleeshiyaadka Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20240725_105509986.jpg?resize=100Cimraan Maxamed Cali

Taliska Ciidanka PSF ee Puntland ayaa soo bandhigay sarkaal ajnabi oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Daacish, kaasi oo lagu qabtay buurta Calmis ee gobolka Bari.

Warbixin muuqaal ah oo lagu faafiyay bogga Facebook ee Taliska Ciidanka PSF ayuu ka soo muuqday sarkaalka oo ka soo jeeda jasiiradda Zanzibar, islamarkaana magaciisa ku sheegay Cimraan Maxamed Calawi.

Sida uu muujinayo hadal laga duubay sarkaalkaasi oo Af-soomaali loo turjumay, Cimraan Maxamed Calawi ayaa bixinaya macluumaad ku saabsan maleeshiyaadka Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari.

Maxbuus Calawi ayaa qiranaya in uu ka tirsanaa kooxda argagixisada ah ee Daacish, uuna ka qayb galay dagaallo dhexmaray Daacish iyo AS, waxaana uu intaasi ku daray in maleeshiyaadka Daacish ee ku sugan Calmiskaad ay u badan yihiin ajaanib.

“Daacish waxa jooga ajaanib ka yimid, Itoobiya, waxaan arkay kuwa ka yimid Malawi, waxaan arkay kuwa ka yimid Yemen. Soomaalidu waa ku yar yihiin waxa ka badan ajaanibta” ayuu yiri Cimraan Maxamed Calawi.

Calawi ayaa sidoo kale sheegay in la qabtay, kadib markii uu ka soo baxsaday duqayntii u danbaysay ee lagu beegsaday Daacish, taasi oo nawaaxiga Qandala ka dhacday 31 May ee sannadkan.

PUNTLAND POST

The post Taliska Ciidanka PSF ee Puntland oo soo bandhigay sarkaal ajnabi ah oo laga qabtay maleeshiyaadka Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this