Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay tahay sababta dawladda Eritrea u mamnuucday duulimaadyada Ethiopian Airlines?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Itoobiya ayaa waxay joojisay duulimaadyada diyaaradda Itoobiya Airlines ay ku tagto caasimaddooda, Asmara.

Maamulka Hay’adda Duulimaadka Rayidka ee dalka Eritrea ee hoos yimaadda wasaaradda gaadiidka ee dalkaas, ayaa waxa uu mamnuucay duulimaadyada diyaaradda Itoobiya, waxa uu warkaas lagu sheegay kadib markii lagu soo daabacay wargeyska dawladda Eritrea ee Hadas.

Sida lagu sheegay warka ay soo saareen maamulka Hay’adda Duulista Rayidka ee Itoobiya, sababta ay mamnuuceen diyaraadda Itoobiya ayay ku sheegeen, in diyaaradda Itoobiya Airlines ‘ay xadgudub abaabulan kula kacday rakaabka Eriteriyaanka ah ee raaca diyaaradooda’.

“Xatooyo boorsooyinka ah, waxyeelayn, dib u dhac aad u dheer, xoolo lumin aan magdhaw lahayn, sicirka tikidhada oo si aan la macnayn Karin cirka la gaarsiiyo iyo sharci darrooyin kale oo aynu aragnay,” ayay sheegtay Eritrea in ay ku joojisay duulimaadka diyaaraddaas.

BBC du waxay isku dayday in ay xiriir la sameyso diyaaradda Ethiopia Airlines si ay wax uga waydiiso eedaha loo soo jeediyay, balse kuma aanan guuleysan in aan jawaab ka helno diyaaradda.

Dawladda Eritrea waxay sheegtay in marar badan ay isku dayeen in ay dhibaatooyinka ay sheegteen xalliyaan iyaga oo xiriir la sameeyay diyaaradda, balse in aysna suuragalin ayay ku sheegeen warka ay soo saareen.

Marar badan ayaan xasuusinay diyaaradda Ethiopia Airlines in ay xaliyaan dhibatooyinka aan kor ku xusnay laakiin wax natiijo ah kama aysan dhalan,” ayaa ;agu yiri warka ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka ee Eritrea.

Hay’adda ayaa sheegtay in wixii ka dambeeyay 30 ka bisha September uu dhaqan galiyo go’aankan lagu mamnucuay diyaaradda Itoobiya.

Farriintaan ayaa waxay ku wargalineysaa rakab Eritrean ka ah ee qorsheynaya in ay isticmaalaan diyaaradda Itoobiya wixii ka dambeeya 20 ka bisha September in ay wax ka sii badalaan qorshahooda xilli hore.

In kasta oo dalkaan mamnuucay diyaaradda Itoobiya hadana diyaaradda ayaa iibineysa tikidho diyaareed oo ah 31 ka September.

Diyaaradda Itoobiya ayaa xilligaan haatan aan ku jirno waxay leedahay jadwal duulimaad oo ay shan jeer ku tagto todobaadkii magaalada Asmara.

Marka laga yimaado duulimaadyada Ethopian Airlines ay ku tagto Asmara, waxaa jira shirkado diyaaradeed oo kale oo duulimaadyo ku taga caasimadda dalkaas sida Saudi Arabian, Turkish Airlines iyo Egyptian Ailines. Dhamaan diyaaradahaas ayaa si joogta ah u taga Asmara.

Dhawaan ayaa waxaa madaxweynaha dalkaas Isaias Afwerki uu booqasho ku tagay dalka Talyaaniga, isaga oo heshiis la gaaray shirkadda Italian Airlines si ay u bilawdo duulimaadkii ugu horeeyay ee ay ku tagayso Eritrea.

.XIGASHADA SAWIRKA,.
Dawladaha Itoobiya iyo Eritrea oo ahaa wadamo col ah muddo dheer, waxaana uu dib u bilowday safarka dhinaca cirka ah ee wadamadaan isugu gooshaan oo 20 sano ka hor carqalabooday sanadkii 2010 kii.

Markii uu xilka qabtay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abye Ahmed, Asmara iyo Addis Ababa oo aan dagaal iyo nabad midna ka dhaxayn ayaa waxay bilaabeen duuilmaadayad.

Xilligaas ayay hugaamiyaasha labada dal waxay saxiixeen heshiis ay ugu magacdareen “Heshiiskii Asmara” kaas oo ahaa mid ogolaanayay isu socodka dhinac dhulka, ganacsiga iyo adeegyada isgaarsiinta bixiya.

XIlliga haatan aynu ku jirno albaabada la isaga gudbo labada dal ayaa xiran, balse wali waxaa furan adeeggyada xiriirka.

Xiriirka dhinaca dublumaasiyadda ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea ayaa dib u soo noqday kadib markii uu dhamaaday dagaalkii sokeeye ee Itoobiya ee ka socday dhinaca waqooyiga.

Waxaa xusid mudan ee dawladda Eritra ay la safatay dawladda Itoobiya dagaalkii ka dhacay waqooyiga dalkaas ee u dhaxeeyay Tigrey ga iyo dawladda federaalka, waxayna weerareen ciidamada Tigreyga.

bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this