Sign in to follow this  
Deeq A.

Djibouti iyo Faransiiska oo markii labaad cusboonaysiiyay Heshiiskii Difaaca labada dal

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1721864796034.jpg?resize=670%2C47

Dowladda Djibouti ayaa markii labaad cusboonaysiisay Heshiiskii Difaaca ee kala dhexeeyay Waddanka Faransiiska ee hore u gumaysan jiray dalkaasi.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ku sugan Paris, ayaa ku heshiiyey Maanta in dib loo cusboonaysiiyo iskaashiga difaaca ee labada dal, ka dib wadahadalo socday laba sano.

Heshiiska la cusboonaysiiyay ayaa dhigaya in ay Djibouti sii joogaan 1,500 oo ka mid ah Askarta Militeriga Faransiiska oo fadhigoodu yahay Djibouti.

Heshiiskan difaaca ee la cusboonaysiiyay ayaa markii ugu horreysay la saxeexay 1977-kii markii Djibouti ay xoriyadda heshay,  waxaana dib loo cusbooneysiiyay 2011, waana markii labaad ee la cusboonaysiiyo.

PUNTLAND POST

The post Djibouti iyo Faransiiska oo markii labaad cusboonaysiiyay Heshiiskii Difaaca labada dal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this