Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Somaliland oo Turkiga uga digtay in aanu ciidamo keenin xeebaha Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland ayaa war kasoo saartay in ciidamo Turki ah ayna ka howl geli karin agga badaha ee Somaliland.

Qoraal ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa lagu yiri, “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si cad u diidaysaa in “Ciidamada Badda ee Turkiga la geeyo Aagga Badda Somaliland”.

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si adag u diidaysaa in la soo geliyo ciidamada badda ee Turkiga ee ku sugan dhulka Somaliland ee la aqoonsan yahay. Aagaggani waxay si cad u qeexayaan shuruucda caalamiga ah, waxayna lagama maarmaan u yihiin madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland”.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli dowladda Soomaaliya ay horraan heshiis la gashay dhiggeeda Turkiga kaas oo sheegayay in Turkigu uu ilaalinayo xeebaha Soomaaliya.

Xeebaha Somaliland ayaa nabdoonaa tan iyo 33kii Somaliland ay jirtay iyada oo ciidamada ilaalada xeebaha ee Somaliland ay ku guulaysteen in ay sugaan amaanka xeebaha Somaliland oo ayna jirin wax budhcad badeed ah oo ka jirta badaha Somaliland.

Hadii ciidamadda Turkigu ay ku soo xad gudbaan biyaha Somaliland oo nabdoonaa waxa hubaal ahi dawladda Turkigu ua sii dari doonto xaaladda hada ay ku sugan yihiin oo ah nabad iyo horumar.

Dawladda Turkigu ma aha in ay ku dhex milanto siyaasda Somalia iyo Somaliland oo kala ahaa laba dal oo isku biiray 1960kii isla markaasina kala tagay 1991kii

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this