Sign in to follow this  
Paragon

Odayaasha Gobolka Galguduud oo lagu wargeliyay inay hubkooda ay soo wareejiyaan

Recommended Posts

Paragon   

Odayaasha Gobolka Galguduud oo lagu wargeliyay inay hubkooda ay soo wareejiyaan

Posted to the Web May 09, 13:15

 

 

Guriceel:-Odoyaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka G/gaduud ayaa kulan la qaatay saraakiil itoobiyaan ah iyaga oo ka wada hadlay arimo badan waxaana lagu war galiyey in hubkooda ay ku soo wareejiyaan Df mudo dhan 12 cisho.

 

Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada shilaabe ee dalka itoobiya wuxuuna socday laba maalmood waxaana ka qeyb galay Odayaal dhaqameed ka kala yimid Magaalooyinka dhuusa-Mareeb iyo guraceel.

 

Odayaasha ayaa waxaa casumaad u fidiyey Col.ka tirsan ciidanka Itoobiya isaga oo u sheegay in dowlada itoobiya aysan ogalaan doonin hub aan hoos imaan DF Col.ayaa waxaa lagu magacaabaa korneyl Thru .

 

Waa kulankii ugu horeeyey oo ay yeeshaan odayaasha G/galgaduud iyo Saraakiil Itoobiyaan ah waxaana ay wararka qaar sheegayaan in odayaasha lagu casumay in ay yimaadaan Magaalo madaxda dalka itoobiya ee Addis-Ababa si ay kulan ula qaataan Males Zanawi.

 

Axmed Cali Wadaad

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this