Paragon Posted May 9, 2007 Odayaasha Gobolka Galguduud oo lagu wargeliyay inay hubkooda ay soo wareejiyaan Posted to the Web May 09, 13:15 Guriceel:-Odoyaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka G/gaduud ayaa kulan la qaatay saraakiil itoobiyaan ah iyaga oo ka wada hadlay arimo badan waxaana lagu war galiyey in hubkooda ay ku soo wareejiyaan Df mudo dhan 12 cisho. Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada shilaabe ee dalka itoobiya wuxuuna socday laba maalmood waxaana ka qeyb galay Odayaal dhaqameed ka kala yimid Magaalooyinka dhuusa-Mareeb iyo guraceel. Odayaasha ayaa waxaa casumaad u fidiyey Col.ka tirsan ciidanka Itoobiya isaga oo u sheegay in dowlada itoobiya aysan ogalaan doonin hub aan hoos imaan DF Col.ayaa waxaa lagu magacaabaa korneyl Thru . Waa kulankii ugu horeeyey oo ay yeeshaan odayaasha G/galgaduud iyo Saraakiil Itoobiyaan ah waxaana ay wararka qaar sheegayaan in odayaasha lagu casumay in ay yimaadaan Magaalo madaxda dalka itoobiya ee Addis-Ababa si ay kulan ula qaataan Males Zanawi. Axmed Cali Wadaad Halgan.net Quote Share this post Link to post Share on other sites