Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC oo shaaciyay natiijada doorashadii degmada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa saaka shaaciyay natiijada hordhaca ah ee doorashadii ka qabsoontay degmada Garoowe.

Guddiga PEC ayaa sheegay in tirada guud ee degmada Garoowe ka codaysay ay dhan tahay 27,662 islamarkaana ay ansax noqdeen 25,724 cod halka ay xumaadeen 1,938 cod.

Xisbiga xukuumadda ee Kaah oo kaalinta kowaad kaga galay degmada Garoowe ayaa 12 xubnood ka helay xildhibaannada golaha degaanka halka xisbiga Horseed oo ku soo xiga uu helay 6 xildhibaan.

Xisbiga SINCAD oo kaalinta saddexaad ku jira ayaa 5 xildhibaan ka helay xubnaha golaha degaanka degmada Garoowe halka dhammaan xisbiyada kale heleen min 2 xubnood.

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC oo shaaciyay natiijada doorashadii degmada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this