General Duke Posted July 8, 2007 Salaadiinta Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday Inaanay La Kulmeyn Madax-dhaqameedyada Beelaha ****** Ee Socdaalka Ku Jooga Magaalada Hargeysa. hadhwanaag 2007-07-06 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Hogaamiyaasha dhaqanka ayaa ku tilmaamay mushkilada Muqdisho iyo beelaha ****** inay tahay mid siyaasadeed, balse aanay ahayn mid dhaqan. Hogaamiyaasha dhaqanku waxay sidaa ku sheegeen Warsaxafadeed uu ku saxeexan yahay xog-hayaha Golaha Salaadiinta Somaliland, Cali Dool Axmed [Cali Qoryoolay] oo nuqul ka mid ahi xalay soo gaadhay xafiiska shabakada wararka ee Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa. Hogaamiyaasha dhaqanku waxa kale oo ay sheegeen inay odayaal wefti ah oo ka yimid Magaalada Muqdisho oo maalmihii ina dhaafay ku sugnaa Magaalada Hargeysa, ay wado khaldan soo mareen oo sida ay sheegeen si ka baxsan dhaqanka Soomaalida. Waxa kale oo ay intaa ku dareen in xidhiidhka kaliya ee dhexmaray Somaliland iyo ****** uu yahay midnimadii ay Somaliland la gashay Somaliya 1960-kii, taasi oo soo dhamaatay 1991-kii, iyada oo ay shacbiga reer Somaliland kala kulmeen Xasuuq. Isaga oo dhameystirana waxa uu u dhignaa sidan: “Waxaan halkan kaga jawaabaynaa, war naga yaabiyay oo ku soo baxay wargaysyadaHargaysa maanta [shalay] oo khamiis ahayd.sida uu u qorraa warkaas Cinwaankiisu wuxuu ahaa, odayaal wefti ah oo ka socda beesha ****** oo Hargaysa oo u yimid siday Jaraa’idka u sheegeen inay la hadlaan madax-dhaqameedyada Somliland , marna waxay xuseen inay la kulmayaan Golaha Guurtida ee Dowladda Somaliland. Iyaga oo sheegay inay halkan u yimaadeen sidii ay ciddii ay la kulmaan ajandaha ay Ka kala hadlayaan uu yahay Mid dhaqameed oo mushkiladda maanta haysata beesha ****** ku saabsan. hadana weftigan Afhayeenkoodu wuxuu sheegay in aanay cidna fariimo u kala qaadaynin. Hadaba markii ay Salaadiinta Somaliland arrintaa su,aalo iska weydiiyeen ,waxa usoo baxday dhowrkan arrimood . 1) In sida ama nidaamkii uu weftigani Hargaysa ku yimid aanay waafaqsanayn ,hab-dhaqanka Somaalida iyo xeerarka dhaqameed ee xurmada mudan,maxayeelay,imaatinkoodaba cid madaxdhaqameedyada dalka ahi ma aanay ogayn, ee sidii niaman ganacsato ah ayay diyaaradaha usoo raaceen,oo ay iskasoo degeen,sidaa awgeed aanay laaqi uhayn madaxdhaqameedyada Somaliland inay ula kulmaan hab dhaqan. 2) Iyada oo mushkialladda maanta muqdisho ka jirto aanay ahayn mushkilad dhaqan balse ay tahay mushkilad siyaasadeed, sidaa awgeed aanay suuragal u ahayn in madax dhaqameedyada Somaliland beel ama cid kale kala hadlaan mushkiladdaas siyaasadeed ee dowladihii caalamka oo dhammi xalkeeda maaro u waayeen ee Xamar kajrta. 3) Sida hab dhaqanka Somalidu yahayna beelaha jaarka ah ee xoolohoodu ceelasha ka wada cabbaan,ee daaqsinta wadaaga ayaa xeer dhaqameed isugu yimaado, balse marka Maanta la eego Beelaha ****** iyo bulshada Somaliland wixii isu keenay ee isku xidhay wuxuu ahaa siyaasad wadaagii ka dhashay midnimadii Jamhuuriyaddii Somaliland 1960-1991dii,taasoo shuraakadeedii ay 50 kun ee ruux kaga dhinteen shacbiga Somaliland,ilaa maanta oo 16 sano ay Somaliland dowlad Gaara ahaydna aanay beelaha ****** wax ixtiraam ah, aqoonsi iyo wax taageero ah aanu shacbiga Somaliland ka helin. Sidaas awgeed ay weftigani marin habowsan yihiin, khaladna ku socdaan ciddii sidaas kula kulantana ay noqonayso cid Khiyaamo qaran ku shaqaynaysa oo dembiile ah,laguna qaadi doono qaraarkii digniinta ahaa uu baarlamaanka Somaliland kasoo saaray, kuna sheegay in muwaadiniinta, ururada bulshada, madaxdhaqameedyada, aqoonyahanada, saxaafadda, golayaasha qaranka in qofkii sinaba uga qayb qaata, ama uga qayb-gala ama ugu ololeeyo arrimaha iyo shirarka dib u heshiisiinta ee xalka loogu raadinayo mushkiladaha Somaliya loo aqoonsanayo qof khiyaamo qaran ku kacay, maxkamad sharci ahna lasoo taagi doono. Ugu danbayntii xukumadda Somaliland waxa la gudboon inay waajibaadkeeda qaran u gudato si waafaqsan dastuurka iyo qaraarada sharciga ah ee golayaasha ka soo axay,nimankaasna haddii ay ka noqdaan wixii ay sheegeen iyo ujeedadoodii khaldanayd-na sida dadka muslinka ah ee dalkan ku nabadda gala ayay ahaanayaan,haddii-se ay war kale kaas oo celinwaayaan warkoodii hore, hay,adaha dowladda ee qabilsan dadka bilaa sharciga kusoo gala ama dadka liddiga ku ah nabadgelyada Somaliland ayay u taalaa arrintoodu.” Weriye.Mustafe-Janaale Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa E-mail, janaale94@yahoo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 8, 2007 Ma Garbaa Nin Gurigaaga Kugu Yimi Inaad La Hadli Weydo?!!! Maalmahan waxaan maqlaynaa odayo dhaqameedyo Hawiyaha oo ku sugan Hargeysa ayaa lala hadli waayey, iyo erayo kale oo ay ka mid yihiin Somaliland gorgortan ma galayso, waa halka odayaasha Hawiyana ay ka leeyihiin waar aynu wada hadalno. Maalmahan waxaan maqlaynaa odayo dhaqameedyo Hawiyaha oo ku sugan Hargeysa ayaa lala hadli waayey, iyo erayo kale oo ay ka mid yihiin Somaliland gorgortan ma galayso, waa halka odayaasha Hawiyana ay ka leeyihiin waar aynu wada hadalno, waar gurigiinii baanu idin ku nimi, waar intaydaan moodin wax kale bal horta naga afqaada, kuwa somalidiidkuna ay leeyihiin gooni goosadkayagu waa muqaddas, idin la kulmi mayno, kii idin la kulmana waa la ciqaabayaa.... Horta waxaa la yaable qof marti ku ah, magan ku ah, gurigaaga kuugu yimi inaad tidhaahdid kula hadli mayo, waxaa kaloo la yaabkeeda leh hadayba odayaashaasi madax dhaqameedyada ahi idin soo ogeysiin waayeen soo ambabaxooda, balse ay hargeysa idin la joogaan maxaa keenay Somaliland gorgortan ma galayso? Waa maxay waxan aad ka baqaysaan ilayn waxbaba idin lamay soo qaadine?!!! Mise waxaad isleedihiin goolkii uu waagii Garaad Saleebaan idin ka dhaliyey, markii aad idinkoo odayo dhaqameedyo siyaasadina u laaban tahay aad isaga soo taagteen buurtii duleedka Adhi-Cadeeye, ee uu idin yidhi idin qaabili mayno oo kale miiyaa sheekadiinu?!!!!... Horaa loo yidhi Layligu kashiisa biyaha ku jira ayuu ka diidaaye, maxay odayaasha Isaaqiya qiiqa isugu qarinayaan waa la ogyahay in badan koodu doonayaan inay shirkaasi ka qayb galaan kaalintoodana muujiyaane… mida kale warar baaba sheegayaa inay jiraan qaar iyaga ka mid ah oo u yeedhay, iminkana shacabka la dhex boodaya yaan lala kulmin …. Suldaan Xiirey oo isagu ah suldaan beeleed oo isku kalsoon,wuu dareemay in arrinkaasi ay kuwooda kale isku raaceen uu yahay mid khaldan, balse isna gorgortanka somaliland ee uu sheegayaa wuu ku afgobaadsanayaa ee waa diyaar inuu wax la qabto, isagoo keliya maahee waa beesha Dunbuluq dagta oo dhan… waxaanay ka yar baqayaan inuu shacabkooda la marin habaabiyey ku kacee, sida wararkuu sheegayaan waaba iska diyaar, soomalida kalena waxaan ka codsanaynaa inay soo dhaweeyaan, maadaama ay hada ******** wixii 17 sano loo soo sheegayey inay ahayd waxaan suuragal ahayn waxaan soconayn oo ma dhalays ah…. Cali Samatar.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted July 9, 2007 Mee dhaqankii suubanaa Somalida waxaa lagu yaqiinay in martida la sharfo, oo xitaa gogasha lagu hormariyo martida, hada mawaxaa la keenay in la dhaho marti salaan kama qaadayo lamana hadlayo, somali ma sidanaa udanbeesay! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 9, 2007 Dhib ma leh , odayaasha waa lala hadli doonaa laakiin ha la hubsado waxay rabaan in lagala hadlo horta ...... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted July 10, 2007 Odayaasha waa in markasta la qaabilaa oo la dhageestaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted July 10, 2007 well at least they were not thrown in jail!! not missing or jailed as tfg is doing in xamar!. sometimes old malis need a lil pump on the head! true that...lol. Quote Share this post Link to post Share on other sites