Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxii Ciidanka Ilaalada Qarsoon ee Maraykanka oo xilkii iska casishay

Recommended Posts

Deeq A.   
879089f8-d8cd-4344-8d95-42b87d4c510f_w40

Kimberly Cheatle, oo aheyd madaxa Hey’adda Ciidanka Ilaalada Qarsoonka ee Mareykanka ee loo yaqaanno Secret Service, ayaa iska casishay xilka, kaddib marki si aada ah loogu cannaantay hey’addeeda, dayacaaddii dhanka amniga ee keentay iskudaygi dil ee uu ka badbaaday madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump dhawaan.

Hey’adda Ilaalada Qarsoon, waxay mas’uul ka yihiin ammaanka madaxweynaha Mareykanka iyo madaxdi horay u soo martay Mareykanka inta nool. Hadda waxay wajahayaan cambaareyn siyaasadeed oo uga imaneysa dhinac walba, kaddib marki uu nin hubeysani uu galaangal u helay inuu saqafka sare guri kasoo toogto Donald Trump, xilli uu khudbad ka jeedinayay magaalada Butled ee gobolka Pennsylvania 13-kii bishaan July.

Madaxweynaha Mareykanka Jose Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in baaritaanka iskudaygi dil ee uu ka badbaaday Donald Trump loo xil saaray guddi madax bannaan.

Agaasime ku xigeenka Waaxda Ciidanka Ilaalada Gaarka ah Ronald Rowe, oo muddo 24-sano ah ka tirsanaa hey’addaan ayaa si ku meel gaar ah u sii heyn doona xilka agaasimaha, sida uu sheegay, Xoghayaha Arrimaha Amniga Gudaha Mareykanka Alejandro Mayorkas.

Kimberly Cheatle ayaa loo magacaabay xilka ay shalay iska casishay sannadki 2022-ki. Isniintii ay golaha Senetka ka hor qiratay in ay iyada qaadeyso masuuliyadda daldaloolihi amni ee ka dhashay isku-daygi dil ee lalal beegsaday madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump.

PUNTLAND POST

The post Madaxii Ciidanka Ilaalada Qarsoon ee Maraykanka oo xilkii iska casishay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this