Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: DF oo ogolaatay inay dalka soo galaan ciidan badan oo Itoobiyaan ah + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
gadiidka-dagaalka-itoobiya.jpg?fit=1280%

Maxaas (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa codsi rasmi u soo gudbisay dowladda Soomaaliya, iyadoo dalbaneysa in loo ogolaado in gudaha Soomaaliya ay soo galaan ciidamo Itoobiyaan ah, si ay u gelbiyaan ciidan kale oo Itoobiya ka jooga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka Itoobiya ee ku sugan degmada Maxaas Gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ah howlgalka ATMIS waxayna baxayaan maalamaha soo socda.

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamada Itoobiya u ogolaatay inay tagaan Maxaas, si halkaas ay uga gelbiyaan 500 oo Askari oo dalka ka bixi doono dabayaaqada bishan.

Bixitaanka ciidanka Itoobiya ayaa qeyb ka ah qorshaha dhimista ciidanka ATMIS ee jooga Soomaaliya, sida ay cadeysay dowladda Itoobiya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa warqad codsi ah u soo dirtay dowladda Soomaaliya, iyadoo codsaneysa in ciidankeeda loo ogolaado inay soo galaan gobolka Hiiraan, si ay u gelbiyaan ciidankii horay uga joogay aagga degmada Maxaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa aqbashay codsigaas, maadaama ay soo martay jid sax ah, waxaana ciidanka Itoobiya u suurtagashay inay maanta soo galaan gobolka Hiiraan.

Dad ku sugan Hiiraan ayaa Caasimada Online u sheegay inay arkeen ciidamo aad u badan oo lagu qiyaasay 6,000 oo askari oo wata gaadiid dagaal, kuwaas oo u gudbay dhanka Maxaas.

Shaki badan ayaa ku geedaaman arrintaan, in 500 oo askari ay soo doonaan ciidan aad u badan oo gelbinaya ayaa abuurtay shaki weyn, arrintaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya aysan heshiis aheyn oo dagaal diblomaasiyadeed oo adag ay galeen, mid toos ahna ay qarka u saaran yihiin.

The post Xog: DF oo ogolaatay inay dalka soo galaan ciidan badan oo Itoobiyaan ah + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this