Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilaa 70 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay duqaymaha Israa’iil ee Marinka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   
82f12f18-92dc-433a-b234-16c74430a961_cx0

Mas’uuliyiinta caafimaadka Gaza ayaa sheegay in ugu yaraan 70 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymo iyo madaafiicda taangiyda oo ay ciidamada Israa’iil ku garaaceen qeybo ka mid ah bartamaha Marinka Gaza.

Tani waxay ka danbeysay kaddib marki ay taangiyada Isra’il ay dib ugu laabteen degmada Khan Younis iyo hareeraheeda, iyadoo ay ciidanka Isra’il mar kale ku mareen dadka deegaanka in ay si deg deg ah uga baxaan.

Meelaha ugu badan ee ay dadka ku dhinteen ayaa waxaa ka mid ah degmada Bani Suhaila iyo deegaannada kale ee bariga Khan Younis, halkaas oo qoysas badan oo barakacayay ay haleeleen madaafiicda taangiyda.

Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in dadka la dilay ay ku jireen dumar iyo carruur, halka dhaawacana uu gaaray ilaa 200 oo qof.

Tirada dadka ay ciidamada Isra’il ku dileen Marinka Gaza tan iyo marki uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qadday Gaza bishii October ayaa dhaaftay Isniintii, 39,000 oo Falastiiniyiin ah, halka dhaawacu uu marayo 89,800.

PUNTLAND POST

The post Ilaa 70 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay duqaymaha Israa’iil ee Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this