Deeq A. Posted July 23, 2024 Dalka Itoobiya, meydadka ilaa 50 qof ayaa dhoobada hoosteeda laga soo saaray, kaddib marki uu koofurta Itoobiya ka dhacay laba dhul go oo aasay guryo badan. Kassahun Abayneh oo ah afhayeenka maamulka degmada Gofa ee ismaamulka Gobolka Koofureed ee Itoobiya, ayaa wakaaladda wararka ee Reueters u sheegay in roobab mahiigaan ah oo Axaddii da’ay ay sababeen dhul go’a khasaaraha dhaliyay. Khasaaraha dhimashada ayaa la xaqiijiyay in uu ka dhashay dhul go’i labaad, kaddib marki ay dadka deegaanka iyo saraakiil boolis ay isugu yimaadeen halki uu ka dhacay dhul go’i koowaad. Saraakiisha gobolka ayaa sheegay, in dadka ku dhintay masiibadaasi ay isugu jireen dumar, carruur iyo askar ka mid ah ciidanka booliska deegaanka. Source Share this post Link to post Share on other sites