Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yemen ayaa Gantaal ku dhuftay Markab ka dhaqaaqay Dekedda Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Xuutiyiinta Yemen ayaa Gantaal ku dhuftay Markab ka dhaqaaqay Dekedda #Berbera kaas oo ku rogay shixnad ganacsi, isla Markii uu galay biyaha Caalamiga ah.

Markabka ayaa ku socdaalayay Calanka waddanka Singapore, balse la sheegay in uu leeyahay Ganacsade Israa,iili ah, Sida ay ku doodeen Xuutiyiinta oo sheegtay Masuuliyadda weerarka Markabka.

Waa kuma Markabku, Xagee se lagu Beegsaday?

Markabka oo lagu Magcaabo Lobivia, dalal badana u rarnaa ayaa shixnad ganacsi todobaadkii hore ku rogay dekedda Berbera shixnaddaasi oo warar hordhac ahi ay sheegeen inay itoobiya ku loo waday, balse Masuuliyiin nala soo xidhiidhay ay xaqiijiyeen in ganacsatada Somaliland ay leeyihiin.

Markii uu markabku Rogay alaabta ee uu dhaqaaqay dabayaaqada usbuucii hore, isla markaana uu gaadhay Biyaha caalamiga ah ee gacanka cadmeed ayay beegsadeen Xuutiyiintu.

MAXAA GAADHAY MARKABKA?

Gantaalka lagu dhuftay Markabka Lobivia, ayaa haleela mid ka mid ah Koontiinarrada Saarnaa Markabka, dab ayaa ka kacay, sidaasi darteed Markabku wuxuu kusoo laabtay dekedda Berbera, halkaasi oo ay dabka ka damiyeen hawl-wadeenada Badbaadada ee dekedda Berbera.
Markabka ayaa wali ku xidhan Dekedda Berbera, waxaana uu sugayaa sida la sheegay kaalmo amni oo uu safarkiisa kusii wato.

Markabka la beegsaday ayaa kusii jeeday Dekedda Colombo ee dalka Siri Lanka.

MAXAA LAGA YIDHI WEERARKA?

#Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa gaadhay shalay Dekedda Berbera kuwaasi oo aan faahfaahin laga bixin xaaladda Socdaalkooda, sidoo kale lama sheegin waxa ay kala hadleen Masuuliyiinta dekedda.

#Dawladda Somaliland ilaa iyo Hadda kamay Hadlin Dhacdadaasi weerarka ah ee xutiyiintu la beegsadeen markab ka dhaqaaqay Berbera.

#Dawladda Singapore, waxay xaqiijisay in la weeraray Markabka Lobivia, balse shaqaalaha Markabka aanay waxyeelo kasoo gaadhin waxyeelada Markabka soo gaadhayna lagula Tacaalay dekedda Berbera oo uu dib ugu Noqday.
Sidoo kale ciidanka badda ee Singapore waxay xaaladda Markabka kala xidhiidheen in Saaxiibadooda caalamiga ahi ay ee aagga ka dhaw.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this