AYOUB Posted April 17, 2010 Garaad Cabdi Rashiid Garaad Ismaaciil Ducaale Oo baaq nabadeed ka diraya colaadaha ka soo cusboonaaday deegaanada u dhexeeya Gunburka iyo cagaare Posted to the web on Apr 14 Garaad cabdi rashiid garaad ismaaciil Ducaale oo ka mid ah madax dhaqameedka gobolada SSC ayaa shir jaraa,id oo uu maanta ku qabtay hotel xamdi ee magaalada laascaanood baaq nabadeed ugu diray beelaha walaalaha ah ee ay dirirtu ka dhaxayso gobolada sool iyo mudug garaad ayaa baaqan nabadeed diraya xili ay jirto dagaalo shalay ka dhacay deegaanka eerigoo oo u dhow saax dheer kana tirsan degmada kalabaydh garaadka ayaa xusay in colaadaha soo ifbaxayay todobaadadani ay sababeen dhimashada iyo dhaawaca ka dhacay deegaankaas wuxuuna ugu baaqay labada dhinacba inay ku noqdaan gogosha wada xaajoodka maadaama aan colaad wiil ku dhalin soomaalina dagaal intaa ka soo reebay wuxuuna ka digay hadii aan sida ugu dhakhsaha badan wax looga qaban ay keeni karto dagaalo keena cawaaqib xumo garaadka ayaa sidoo kale ugu baaqay maamulada somaliland Puntland iyo dawlada Ethopia inay sida ugu haboon u dhex galaan dagaalkaas oo sababi kara dhimashada dad badan, si kastaba ha noqotee deeganadan ayay ku soo noq noqonaysaa colaad marar badan la isku dayay xalintoodu holhol.net holholnews@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 17, 2010 The best Garaad so far. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted November 20, 2010 Whose peace maker is he really? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted November 20, 2010 Who are his people, if I may ask? Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted November 21, 2010 ^ His and the people they share land with in SSE (Somaliland, Somalia and Ethiopia). Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted November 21, 2010 malin kasta garaad cusub ba soo baxa, Garaadkodu muna aheen Garaad Jamac Garaad Ismaaciil? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 21, 2010 Sicir barar baad maqashee Garaad Barar baa jira niyow ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted November 21, 2010 ^LoooooooooooooooooL...Good one I blame Siyad Barre and colonial powers before him. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 21, 2010 Well, I blame SL ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted November 21, 2010 Ayoub: Good try. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted November 22, 2010 I blame Riyaale for this one.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted January 17, 2011 Posted to the web on Jan 16 Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale oo ka mid ah Isimada gobolka sool, ayaa shalay socdaal nabadeed ku yimi magaalada Hargaysa, iyada oo si diirran loogu soo dhaweeyay duleedka bari ee Hargeisa.Garaad Cabdirashiid oo ka soo kicitimay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo uu saldhigiisu yahay, waxa uu safarkiisa ku soo maray magaalada Burco, halkaas oo uu wada hadallo iyo kulamo qaatay muddo laba maalmood ah kula yeeshay Madaxdhaqameedka, Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Togdheer. “Aad iyo aad ayaan u salaamayaa bulshada, aniga oo uga mahad naqaya sida qaaliga ah ee heerkeedu sareeyo ee ay ii soo dhaweeyeen. Imaatinkan aan imi magaalada Hargaysa , maaha markii ugu horaysay. Wadanka intii aan joogay waa markii afraad ee aan imaado, inkasta oo muddo badan aan ka maqnaa. Qorshahaygu waxa uu ahaa in aan mar hore imaado, hase yeeshee hawlo iyo arrimo dhulal kala duwan ka jiray awgeed ayaan dib ugu dhacay. Halkanna waxa aan u imi hawlo nabadeed iyo kuwo kaleba. Umadda waxaan halkan uga soo gudbinayaa salaam qaaliya.” Sidaa waxa yidhi Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale oo u waramayay Somali24, markii uu soo gaadhay Magaalada Hargaysa. Garaadka oo hadalkiisa sii wataana waxa uu intaa ku daray “Safarkaygan hadda waxaan ka imi magaalada Laascaanood oo fadhigaygu yahay, laba habeenna waxaan joogay magaalada Burco, halkaas oo aanu ku kulanay Salaadiin, Madaxdhaqameed iyo mushtamacyo kala duwan. Safarkaygu sidaas ayuu ahaa, waxaanu la xidhiidhaa arrimo nabadeed holhol.net holholnews@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites