Sign in to follow this  
AYOUB

Garaad Cabdi Rashiid Garaad Ismaaciil The Peacemaker

Recommended Posts

AYOUB   

4830.jpg

Garaad Cabdi Rashiid Garaad Ismaaciil Ducaale Oo baaq nabadeed ka diraya colaadaha ka soo cusboonaaday deegaanada u dhexeeya Gunburka iyo cagaare

 

Posted to the web on Apr 14

 

Garaad cabdi rashiid garaad ismaaciil Ducaale oo ka mid ah madax dhaqameedka gobolada SSC ayaa shir jaraa,id oo uu maanta ku qabtay hotel xamdi ee magaalada laascaanood baaq nabadeed ugu diray beelaha walaalaha ah ee ay dirirtu ka dhaxayso gobolada sool iyo mudug garaad ayaa baaqan nabadeed diraya xili ay jirto dagaalo shalay ka dhacay deegaanka eerigoo oo u dhow saax dheer kana tirsan degmada kalabaydh

 

 

garaadka ayaa xusay in colaadaha soo ifbaxayay todobaadadani ay sababeen dhimashada iyo dhaawaca ka dhacay deegaankaas wuxuuna ugu baaqay labada dhinacba inay ku noqdaan gogosha wada xaajoodka maadaama aan colaad wiil ku dhalin soomaalina dagaal intaa ka soo reebay wuxuuna ka digay hadii aan sida ugu dhakhsaha badan wax looga qaban ay keeni karto dagaalo keena cawaaqib xumo

 

 

garaadka ayaa sidoo kale ugu baaqay maamulada somaliland Puntland iyo dawlada Ethopia inay sida ugu haboon u dhex galaan dagaalkaas oo sababi kara dhimashada dad badan,

 

 

si kastaba ha noqotee deeganadan ayay ku soo noq noqonaysaa colaad marar badan la isku dayay xalintoodu

 

 

holhol.net

 

 

holholnews@hotmail.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Posted to the web on Jan 16

 

 

5334.jpg

 

 

 

Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale oo ka mid ah Isimada gobolka sool, ayaa shalay socdaal nabadeed ku yimi magaalada Hargaysa, iyada oo si diirran loogu soo dhaweeyay duleedka bari ee Hargeisa.Garaad Cabdirashiid oo ka soo kicitimay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo uu saldhigiisu yahay, waxa uu safarkiisa ku soo maray magaalada Burco, halkaas oo uu wada hadallo iyo kulamo qaatay muddo laba maalmood ah kula yeeshay Madaxdhaqameedka, Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Togdheer.

 

 

“Aad iyo aad ayaan u salaamayaa bulshada, aniga oo uga mahad naqaya sida qaaliga ah ee heerkeedu sareeyo ee ay ii soo dhaweeyeen. Imaatinkan aan imi magaalada Hargaysa , maaha markii ugu horaysay. Wadanka intii aan joogay waa markii afraad ee aan imaado, inkasta oo muddo badan aan ka maqnaa.

 

 

Qorshahaygu waxa uu ahaa in aan mar hore imaado, hase yeeshee hawlo iyo arrimo dhulal kala duwan ka jiray awgeed ayaan dib ugu dhacay. Halkanna waxa aan u imi hawlo nabadeed iyo kuwo kaleba. Umadda waxaan halkan uga soo gudbinayaa salaam qaaliya.” Sidaa waxa yidhi Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale oo u waramayay Somali24, markii uu soo gaadhay Magaalada Hargaysa.

 

 

Garaadka oo hadalkiisa sii wataana waxa uu intaa ku daray “Safarkaygan hadda waxaan ka imi magaalada Laascaanood oo fadhigaygu yahay, laba habeenna waxaan joogay magaalada Burco, halkaas oo aanu ku kulanay Salaadiin, Madaxdhaqameed iyo mushtamacyo kala duwan. Safarkaygu sidaas ayuu ahaa, waxaanu la xidhiidhaa arrimo nabadeed

 

holhol.net

 

 

holholnews@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this