Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Itoobiya ku eedaysay hubkii lagu qabsaday degmada Caabudwaaq

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20240722_145634075.jpg?resize=720

Dowladda Sooomaaliya oo qoraal rasmi ah la wadaagtay safaaradaheeda dunida ayaa uga warbixisay hubkii dhawaan lagu furtay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Qoraal ka kooban laba bog oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya loona diray safaaradaha Soomaaliya ee dunida ayaa markii u horraysay lagu faahfaahiyay warbixin ku saabsan hubkii lagu qabsaday degmada Caabudwaaq.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku eedaysay dowladda Itoobiya in ay ka danbaysay hubkii gacanta u galay shacabka Caabudwaaq kaasi oo laga furtay ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya xilli ay soo gelinayeen dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale Itoobiya ugu baaqday in ay joojiso fara-gelinta iyo hubka sharci-darrada ah ee ay soo gelinayso gudaha Soomaaliya sida ku cad qoraalka ka soo baxay arrimaha dibadda Soomaaliya.

Hubkii dhawaan laga qabsaday ciidamada dowladda ee gacanta u galay shacabka Caabudwaaq ayaa sababay in cadaadis badan la saaro dowladda Xasan Sheekh Maxamuud taas oo lagu eedeeyey in ay xakamayn kari wayday qulqulka hubka sharci darrada ah.

Halkaan ka akhriso qoraalka

FB_IMG_1721648134903.jpg?resize=720%2C95 FB_IMG_1721648139122.jpg?resize=720%2C94

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo Itoobiya ku eedaysay hubkii lagu qabsaday degmada Caabudwaaq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this