Sign in to follow this  
General Duke

Secessionist anger:Dhiigga dadka Dahir, Cawil iyo Wasiir Cirro ayaa ka jawaabi

Recommended Posts

Dhiigga dadka Dahir, Cawil iyo Wasiir Cirro ayaa ka jawaabi

 

September 13th, 2009Goto commentsLeave a comment

Siyad Barre oo ka ciidda guba iyo ka cagaalaba haysta ayay dadkani direen casar dheer. Dahir yare haddii taageerada lala barbar joogo uu u qaatay inuu dadka ku dulleeyo, weli muu baran reer Hargeysa. Waxa keliya ee ay yaqaannaan waa xabbad sida looga hortago.

Wax badan baa hoga tusaalayn hoos iyo korba ugu dhignay Dahir yare inuu dalka ka daayo hagardaamada. Waxa uu hadda kursiga ku fadhiyay muddo badan oo xaaraan uu dalka ku haystay. Fadhiga gurigiisana laga maamulayay majaraha Somaliland. Waxase ayaan darro ah in maanta uu damcay inuu xabbad isku dayo inuu dalka ku hayto.

Hadda ka hor ayaa laba mudaharaad oo ka dhacay koonfurta magaalada hargeysa ay dad badani ku dhinteen. Illaa hadda cid is weydiisay ama loo hasytaana ma jirto. Maantana dhallinyaro qaarkood jaamacadaha dhigtaan oo arday ah ayaa askarta Oromada ah ee uu Dahir Rayaale Ethiopia kala yimi bilaabeen inay gumaadaan.

Haddii shacbiga Somaliland hore u doonayeen nabad oo lagu khuukhinayay nabadgelyaa xumaan, waxa fiican la isweydiiyo marka hore yaa nabadda keenay. Annagaa keenay shalay, berrina anagaa dhalin doona. Waxana cad in Dahir Rayaale oo isagoo dhagar hore dalka ka galay la sharfay oo maamul loo dhiibay oo la saamaxay inuu maanta bilaabo dhiig daadin cusub.

Waxad ogaataa inay dadkani dhiig huri doonaan hase yeeshee rag badan maxkamad lagu saari dembiyada ay dadka ka gelayaan. Taariikhduna illaabi mayso waxyaabaha sanadahan dabme ay Cawil oo qabiil qabiil dadka isugu diraya. Wasiirka Arrimaha Gudaha Cirro oo bilayska dalka u isticmaalaya in ubadkeenna suuqyada Hargeysa lagu gumaado.

Inta hadha ayaa nabad iyo horumar ku noolaan ee intaad dili karto dil Daahiroow oo adiga iyo kuwa maqaar saarka ahiba dhiigga shacabka reer Hargyesa si fiican u daadiya. Ogaadase inaad ka jawaabi doontaan.

Waxa dadka reer Somaliland lagula kaftamaa si fudud ayay wax u illaabaan oo ******tiiba way iska daayeen. Waxa lagu caayaa inay raggii hore u laayay ee nabad sugiddii Siyaad Barre dalka gacanta u geliyeen. Waxan filayaa inay dhab tahay oo cashar fiican ay arrintaa ku qaateen, dibna aanay u dhacayn.

Khasaarihii hore loo galayna yahay mid maanta laga naasnaasinayo sida fudud ee maamulka dalka loogu dhiibay niman aan jiidh nax, iyo dan toona u hayn ee shilimaan urursi iyo dal baabi’in uun ka mashquulsan.

Mar I dage Alle ha dago, laba goor idagase anigaa isdagay ee bal aan aragno uuraysatee waxay umuli doonto. Afar Oromo ah oo ku ilaaliyaa kuma asturi doonaan.

Omar Askar

Minnesota, USA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this