Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Howlgal Lagu Dilay Xubno Shabaab ah oo Ka Dhacay Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan 80 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa lagu diley howgallo ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen deegaannada dowlad goboleedkaaas, sida lagu sheegay war saxaafadeed ay dowladdu soo saartay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallada oo ka dhacay deegaanada kala ah Buulo xaaji, Baarsan guuni, iyo Harboole lagu diley xubnahan oo ay ku jiraan hoggaamiyaal sar sare.

Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay inay ciidamadu howgalladaas ku soo furteen saanad ciidan oo isugu jirta qoryaha RPG, BKM, iyo boobeyaasha AK47, iyo qalab kale.

Howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanku wadaan ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, waxayna ka socdaan deegaanada Jubbaland, Koonfur Galbeed. Galmudug, iyo Hirshabelle.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this