Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo weeraray saldhigyo ciidamada dowladdu ku leeyihiin gobolka Jubada hoose

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1721628538952-860x645-1.jpg?resiz

Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-shabaab weerareen degaanka Harboole oo ka tirsan degmada Afmadow.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sida la sheegayo saaka weeraray saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ku lee yihiin degaankaasi Harboole ee gobolka Jubada hoose.

Wararka ayaa tilmaamaya in labada dhinac dagaal ku dhexmaray halkaasi uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac balse aan faahfaahin sugan weli laga helin.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegaysa in maleeshiyaadka Al-shabaab lagu jebiyay dagaalka inkastoo aysan jirin warar madax-bannaan oo laga heli karo degaankaasi.

Al-shabaab ayaa sidoo kale saaka weeraray degaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubada hoose halkaasi oo ay saldhig ciidan ku leeyihiin dowladda Jubaland welina xog sugan lagama hayo.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo weeraray saldhigyo ciidamada dowladdu ku leeyihiin gobolka Jubada hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this