Sign in to follow this  
Deeq A.

Daqiiqadihii koobnaa ee Kamala Harrisa ay qabatay awoodda madaxweynaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Haddii Kamala Harris ay ku guuleysato in xisbiga Dimuquraadiga ah ay xushaan in ay noqoto murashaxa u tartamaya doorashada Nufeembar, oo ay ku guuleysato xilka, waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horreysay ee abid ku guulaysata tartanka doorashada ee dal weynaha Mareykanka.

Balse ma noqon doonto markii ugu horreysay ee ay qabato awoodda madaxweynaha.

sanadkii 2021-kii mar Joe Biden la marinayay baaritaan caafimaad, ayay daqiiqada kooban haysay awoodda Aqalka Cad ee Mareykanka

Gudaha iyo dibadda Mareykanka ayaa si weyn looga hadal hayaa go’aankii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu kaga haray tartanka doorashada oo wakhti yar ka harsanyahay.

Madaxweyne Biden oo muddo cadaadis uu saarnaa ayaa sheegay in tallaabadaan ay tahay mid uu ugu daneynayo xisbigiisa dimuquraadiga iyo dalkiisa.

Mr Biden ayaa go’aankaan shaaciyay xilli laga deyrinayay xaaladdiisa caafimaad, maadaama uu da’ yahay isla markaana dhawaan la shaaciyay in sidoo kale uu ku dhacay Covid-19.

Biden ayaa taageeray Kamala Harris oo u ah hadda ku xigeen in ay booskiisa gasho una tartanto xilka madaxweynaha hase-yeeshee arrintaa weli ma ahan mid xubnaha xisbigu isku raaceen.

Shacabka Mareykanka ayaa qaarna taageeray go’aanka Biden uu tartanka uga haray, halka qaarna ay u arkaan in uu hadalkaan ku dhawaaqay xilli xeero iyo fandhaal kala dhaceen, maadaama tallaabadan ay timid iyadoo muddo kooban oo saddex bilood ah ay naga xigto wakhtiga doorashadu ku dhacayso

bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this