Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha nukliyeerka xambaara ee Maraykanka oo markii u horraysay ku duulay hawada Finland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1721615064613.jpg?resize=720%2C48

Labo ka mid ah diyaaradaha ciidanka cirka Mareykanka ee nukliyeerka xambaaraha ee B-52H ayaa markii u horreysay maanta ku duulay hawada Finland.

Labada diyaaradood waxa galbinayay diyaaradaha ciidanka cirka Finland ee F/A-18s, tan oo lagu sheegay inay xulafada reer galbeedka ku muujinayaan awooddooda ka dhanka ah Ruushka.

Wasaaradda difaaca Ruushka, ayaa dhankeeda qoraal ka soo baxay waxay maanta ku sheegtay in diyaaradahooda MiG-29s iyo MiG-31  ay ka hortageen labo ka mid ah diyaaradaha Mareykanka ee B-52 oo ku soo dhawaaday hawada Ruushka, kuwaaso markii dambe dib ugu laabtay hawada Finland.

Reer galbeedka iyo Ruushka ayaa muujinaya surtagalnimada inay dunidda u gudbi karto iska horimaadyo toos ah , kaddib muddo qarni ah oo xiisada labada dhinac ay kor uga kacaysay dagaalka qabow.

PUNTLAND POST

The post Diyaaradaha nukliyeerka xambaara ee Maraykanka oo markii u horraysay ku duulay hawada Finland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this