Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Yahay Hadalka Kasoo Yeeray Wadaadkaan ee Hadalheynta Abuuray Kadib Geeridii Sheekh Cismaan Xidig?

Recommended Posts

Deeq A.   

Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada ku xariirta aad u qabsaday hadal qoraal ah oo ku saabsan geerida caalimkii weynaa ee Shiikh Cismaan Xiddig, oo uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay wadaad lagu magacaabo Ibraahim Ciyow oo ku nool magaalada Muqdisho.

Wadaadkan ayaa sheegay in shiikh Cismaan Xiddig Allaha u naxariistee uu qoray kitaabo uu ku saabsan waxyaabo gaalnimo ah, islamarkaana uu ahaa nin khuraafaadka iyo qabuuraha in la baryo oo kaalmo la weydiisto ka shaqeyn jirey oo aan wax faa’iido leh bulshada uga tagin.

Hadalkan ayaa sababay falcelin badan oo bulshada ka timid, waxaana durbadiiba ka jawaabay maamulka masaajidka shiikh Cali Jimcaale oo sheegay inaanu wadaadkaasi kamid ahayn maamulka Masjidkooda, islamarkaana aragtiisu ay asaga u gaar tahay.

Sidoo dadweyne badan oo arrintaas ka carooday ayaa siyaabo kala duwan baraha bulshada u marinaya hadallo adag oo ka dhan ah qoraalka muranka dhaliyay ee uu qoray Ibraahim Ciyow, kaas oo shiikh Cismaan Xiddig oo shalay geeriyooday gaalnimo ku eedeeyay.

Shiikh Cismaan Xiddig ayaa ahaa caalim Soomaaliya oo ay geeridiisu taabatay ummadda Soomaaliyeed oo dhan iyo qaar kamida dadyowga islaamka ee dunida kale, wuxuuna in ka badan 50 ku howlanaa fudinta diinta islaamka, asagoo kumanaan culumo ah wax baray, kitaabo badanna qoray.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this