Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Dhabancad iyo Carshe u magacaabay Wakiilada Arrimaha Siyaasadda iyo Ganacsiga ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20240721_045554817.jpg?resize=779

Madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay u magacaabay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Maxamed  Cabdiraxmaan Dhabancad in uu noqdo Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Punland.

Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa Maxamed Dhabancad loogu magacaabay in uu noqdo Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Punland.

“Waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad loo magacaabay Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Punland” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale Wasiirkii Hore Tamarta iyo Macdanta Puntland Carshe Maxamed Siciid u magacaabay in uu noqdo Wakiilka Arrimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Dhabancad iyo Carshe u magacaabay Wakiilada Arrimaha Siyaasadda iyo Ganacsiga ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this