Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo markii ugu horreysay duqayn ku garaacday bartilmaameedyo ku yaalla Yemen, Maxayse

Recommended Posts

Deeq A.   

Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ku qaadday dekedda Xudeydah ee ay maamulaan Xuutiyiinta Yemen, maalin kaddib markii diyaarad aan duuliye lahayn oo ay kooxdaasi leedahay duqaysay magaalada Tel Aviv.

Wasiirka Difaaca Yoav Gallant ayaa in dalkiisu uu fariin u diray dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta.

“Dabka hadda ka holcaya Xudeyda, waxaa laga arkay Bariga Dhexe oo dhan, muhiimadduna waa caddahay,” ayuu yiri Gallant

Wakaaladaha wararka ee Xuutiyiinta ku xiran ayaa sheegay in saddex qof ay ku dhinteen in ka badan 80 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha Israa’iil.

Sarkaal ka tirsan Xuuthiyiinta Mohammed Abdulsalam ayaa weerarka diyaaradaha israa’iil ku tilmama “gardarrada Israa’iil ee Yemen”.

Waxa uu sheegay in duqeymahan looga dan leeyahay in lagu cadaadiyo Xuutiyiinta in ay joojiyaan taageerada ay siiyaan Falastiiniyiinta ku sugan Qasa, arrin uu sheegay in aysan dhici doonin.

Waa markii ugu horreysay oo Israa’iil ay si toos ah uga jawaabto waxa ay ku sheegtay boqolaal ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yemen iyo weeraro gantaallo oo lala beegsaday dhulkeeda bilihii la soo dhaafay.

Yemen

Muuqaal laga soo duubay Xudeydah ayaa muujinaya dab weyn oo kacaya fiidnimadii Sabtida. Xukuumadda Sanca ee Xuutiyiinta ay maamulaan ayaa sheegay in Israa’iil ay garaacday goobo saliidda lagu keydiyo oo u dhow xeebta, iyo sidoo kale warshad koronto ah oo halkaas u dhow.

War qoraal ah oo ay soo saarteen ciidamada difaaca Israa’iil ee IDF, ayaa lagu yyiri “Ka dib sagaal bilood oo weeraro cirka ah oo isdaba joog ah oo ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Israa’iil, diyaaradaha dagaalka ee IAF, Ciidanka Cirka ee Israa’iil, waxay fuliyeen weerar hawl-gal oo ballaaran oo ka dhacay meel 1,800km u jirta bartilmaameedyada militariga argagixisada Xuutiyiinta” ee aagga dekedda Xudeyda.

“IDF waxay awood u leedahay inay ka shaqeyso meel kasta oo looga baahan yahay, waxayna weerari doontaa ciidan kasta oo khatar gelinaya Israa’iil,” ayaa lagu yiri bayaanka,

Israa’iil ayaa howlgalkeeda sabtidii ay ku garaacday Yemen ugu yeertay ‘Garabka fidsan.’

Mr Gallant, ayaa sheegay in diyaaradaha Israa’iil ay duqeeyeen kooxdan sababtoo ah waxay dhibaato u geysteen Israa’iiliyiinta.

“Xuutiyiintu waxay na soo weerareen in ka badan 200 oo jeer, waa markii ugu horeysay ee ay waxyeello u geystaan muwaadin Israa’iili ah, anagu waa weerarnay. Taasna waxaan ka sameyn doonnaa meel kasta oo looga baahdo,” ayuu yiri. Gallant.

Yemen

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Isagoo hadlayay Sabtidii kadib weerarrada, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisa uu “si walba isu difaaci doono” waxkasta oo ay ugu kacdo.

“Qof kasta oo na wax yeelo waxa uu ku bixin doonaa qiime aad u culus gardaradooda,” ayuu ku yiri hadal uu ka jeediyay telefishinka, isagoo sheegay in dekadda ay duqeeyeen ay tahay meel laga soo galiyo hubka Iran.

Wuxuu intaa ku daray in cadowga Israa’iil ay u muujinayso inaysan jirin meel aysan gaari karin.

Duqeymo Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay dhismo ku yaalla magaaalada Tel Aviv, ayaa sarkaal ka tirsan militariga Israa’iil uu sheegay in diyaarad nooca ay duuliyaha lahayn ee Iiran lagu farsameeyey ay fulisay weerarka.

Xuuthiyiinta ayaa sheegay inay fuliyeen weerarkaas, waxayna wacad ku mareen inay sii kordhin doonaan.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay nin 50 jir ah oo dhawaan u guuray Israa’iil isagoo ka yimid Belarus, waxaana ku dhaawacmay siddeed kale.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda difaaca ay ogaadeen diyaarada aan duuliyaha lahayn ee imaanaysa balse aysan isku dayin inay soo ridaan sababta oo ah “qalad bini’aadantinimo”.

Yemen

Golaha Sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta, oo ah hay’adda fulinta ee dhaqdhaqaaqa, ayaa laga soo xigtay warbaahinta ay maamulaan Xuuthiyiinta fiidnimadii Sabtida in ay jiri doonto “jawaab wax ku ool ah” oo ku saabsan duqeynta cirka.

In kasta oo aanay Israa’iil hore u duqayn Xuutiyiinta Yemen, haddana Maraykanka iyo UK waxa ay wadeen duqeymo ka dhan ah kooxdan muddo bilo ah si ay u joojiyaan Xuutiyiinta oo weerarro ku qaada maraakiibta ganacsi ee mara gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Xuutiyiinta ayaa markii hore sheegay in ay weerarayaan maraakiibta ku xiran Israa’iil, ama ku sii jeeda ama ka baxaya.

Afhayeenka milateriga ee kooxda Xuutiyiinta Yemen, Yahya Saree, ayaa wacad ku maray in kooxdu aanay ka waaban doonin weerarrada “bartilmaameedyada muhiimka ah” ee Israa’iil, saacado kaddib markii Israa’iil ay duqaymo xagga cirka ah ku qaadday magaalo xeebeedka Xudeydah ee Yemen.

Golaha Sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay jiri doonto “jawaab wax ku ool ah” oo laga bixiyo duqeynta Israa’iil.

Source bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this