Sign in to follow this  
Deeq A.

Xil. Maxamed Abiib oo si wayn loogu soo dhoweeyay Borama + Qorshihiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
451796930_1016901450445237_1667178377992

Boorama (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiilada maamulka Somaliland ayaa maanta gaaray magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, halkaas oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo, lagana soo doortay.

Maxamed Abiib ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay caasimadda Awdal ee Boorama, halkaas oo ay isugu baxeen boqolaal dadweyne ah oo isaga taageersan, sidoo kale waxaa soo dhaweynta qayb ka ahaa mas’uuliyiinta deegaanka iyo ciidamada ammaanka.

Ujeedka xildhibaanka ayaa ah inuu la tasho la sameeyo bulshada uu matelo, maadaama ay taagan tahay xiisad isaga kala dhexeyso hoggaanka sare ee Somaliland iyo tabasho kale oo ay maamulkan ka qabaan reer Awdal.

Qorshaha Maxamed Abiib ayaa sidoo kale ah inuu kulamo la qaato waxgaradka deegaanka, si ay go’aanno iskula meel dhigaan, kadibna uu ugula laabto magaalada Hargeysa.

Abiib ayaa waxaa sidoo kale loo haystaa dacwad culus oo ay ka gudbisay xeer ilaalinta Somalilad oo dhowaan golaha wakiilada ka dalbatay in ay xasaanadda ka qaadaan xildhibaanka

Xeer ilaalinta ayaa ninkan u heysata eedaymo ay ku jirto in uu la kulmay mas’uuliyiinta saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti iyo inuu ka haday arrimaha ciidamada Somaliland.

Xildhibaanka ayaa tagay dalka Jabuuti dabayaaqadii bishii May ee sanadkan, wuxuuna safarkaas xaqiijiyey maalmo ka hor mar uu warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in Jabuuti uu Passapor ka soo qaatay.

Intii uu Jabuuti ku sugnaa xildhibaan Abiib wuxuu bartiisa Facebook ku baahiyey sawir isaga iyo wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Dawaleh ay galeen, isagoo soo raaciyey qoraal u dhignaa “Waxaan Wasirka ka wada hadalnay halka ay marayso hawsha jid isku xidhi doona Somaliland iyo Djibouti. Imikana wuxuu ii sheegay inuu ku hawlan yahay dardargalinta bilawga jidka labada dal isku xidhiidhi doona.”

Arrimahan oo dil ayaa waxa ay kusoo aadayaa, ayada oo haatan uu xumaaday xiriirka Somaliland iyo Jabuuti, kadib heshiiska badda ee uu Muuse Biixi la galay Itoobiya.

451796930_1016901450445237_1667178377992 451954913_1016901430445239_3312975660199 452004850_1016901443778571_7733763499063FB_IMG_1721471888261.jpg?resize=696%2C46

The post Xil. Maxamed Abiib oo si wayn loogu soo dhoweeyay Borama + Qorshihiisa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this