Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada Puntland oo soo saaray go’aan ka dhan ah xisbiga DENI

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni.jpg?fit=960%2C936&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa xalay soo saaray go’aanno culus oo ka dhan ah xisbiga Kaah ee uu hoggaamiyo madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Saciid Cabdullahi Deni, kaas oo qayb ka ah doorashooyinka.

Xubnaha guddiga ayaa ku eedeeyay xisbiga Kaah inuu jabiyay anshaxa doorashada, isla markaana uu ku xad-gudbay olola doorashooyinka ee ka socda Puntland.

Guddiga ayaa si gaar ah ugu eedeeyay xisbiga Saciid Deni in maalmo uusan lahayn uu olole doorasho ka sameeyay deegaano ka tirsan maamulkaasi.

“Ujeedo ganaax xisbi siyaasadeed guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka dowladda Puntland ee PEC marka uu arkay qodobka 114-aad, farqaddiisa koowad xarafka T ee dastuurka Puntland, markii ay u cadaatay in xisbiga Kaah uu ku xad-gudbay xeerarka iyo habraaca ololaha doorashada, ayaga oo olole aan maalintooda ahayn ka sameeyay deegaannada hoos ku xusan:-1-Deegaanka Xaaji Khayre 2-Deegaanka Baqbaq 3-Deegaanka Uskule 4-Deegaaka Dalsan 5-Deegaanka Baarwayn 6-Deegaanka Budanbuto oo ka tirsa Degmada Dangoronyo” ayaa lagu yiri qoraalka ka kasoo baxay guddiga PEC.

Sidoo kale waxaa xisbigan la ganaaxay inuu bixiyo lacag dhan 5 kun oo Dollar, isaga oo sidoo kale laga mamnuucay in maalinta Axadda uu sameeyo olole doorasho.

“Haddaba guddiga isaga oo ka duulaya qodobada sare ku xusan wuxuu go’aamiyay in Xisbiga Kaah uusan olole ka sameyn karin maalinada Axadda ah 21 bisha July, 2024 dhammaan deegaannada kor ku xusan, in Xisbiga Kaah uu bixiyo ganaac lacageed oo dhan 5 kun oo Dollar, waana inuu ku shubo akoonka guddiga muddo 24 saac gudahood ah” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay guddiga doorashooyinka ee maamul goboleedka Puntland.

Guddiga PEC ayaa sidoo kale uga digay dhammaan xisbiyada inay jebiyaan xeerka iyo anshaxa u yaalla doorashada, inta uu socdo ololahooda doorashooyinka.

“Waxaan kale oo aan digniin u direynaa dhammaan xisbiyada muddada kooban ee ka hartay inay sameeyaan wax ka baxsan anshaxa ololaha, taas oo aan il gaar ah ku hayn doono muddada kooban, si ay doorashada u noqoto mid hufan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Puntland ayaa waxaa dhowaan ka qaybsoomaya doorasho qof yo cod ah oo laga qabanayo saddex degmo oo horay dib loogu dhibay doorashooyinkii ka dhacay maamulkaasi.

The post Guddiga doorashada Puntland oo soo saaray go’aan ka dhan ah xisbiga DENI appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this