Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga iyo Soomaaliya oo kala saxeexday heshiis ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan sahaminta iyo soo saarista Saliidda iyo Gaaska, iyadoo heshiiskan uu noqonayo tallaabo kale oo kor u qaadaysa xidhiidhka  u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Heshiiska waxaa magaalada Istanbul ku kala saxeexday Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga, Alparslan Bayraktar iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Wasiirka tamarta Turkiga ayaa ku dhawaaqay in Turkigu u diri doono markabkiisa cilmi baadhista ee Oruç Reis si uu cilmi baadhis ugu sameeyo aag ka baxsan xeebaha Soomaaliya dhammaadka sannadkan.

Bayraktar oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay, in Turkigu  siddeeddii sanno ee u dambeeyay uu ku howlanaa dadaallada sahaminta gaaska dabiiciga ah, isagoo adeegsanaya awooddiisa maraakiibta qodista.

“Waxaan tusaale u aragnaa tan maanta, in heshiiskii aan Soomaaliya kula galnay hoolkan 7-dii March, 2024, uu maanta noqday mid la taaban karo,” ayuu raaciyay.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa horraantii bishii march kala saxeexday heshiis ku saabsan iskaashiga shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya.

Bayraktar ayaa intii uu khudbadiisa ku guda jiray waxa uu ku dhawaaqay in Turkiga uu sahamin doono Gaaska Dabiiciga ah iyo Shidaalka saddex qeybood oo ku yaalla Badda Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this