Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta oo markii ugu horreysay duqeeyey Tel Aviv

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaarad nooca drone-ka ah oo ay leeyihiin Xuutiyiinta Yemen ayaa markii ugu horreysay duqeysay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil, ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay duqeyntan oo ay xakameyn waayeen difaaca cirka ee Israa’iil.

Qaraxan oo xalay saqdii dhexe ka dhacay meel aan ka fogeyn safaaradda Mareykanka ku leeyahay magaaladaasi ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 5 qof oo kale.

Israa’iil ayaa xaqiijisay in qaraxan uu ahaa diyaarad Drone, taasi oo ay soo radi waayeen difaaca cirka ee Israa’iil ku faanto.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yahya Saree ayaa sheegay in duqeyntan ay u adeegsadeen drone ay ku magacaabeen “Yafa”, halka Israa’iil sheegtay in nooca dronekan ahaa midka Samad-3 oo ay sameyso Iran.

Waa markii ugu horeysay oo ay Xuutiyiinta Yemen ku guuleystaan inay duqeeyaan Tel Aviv, iygoo hore dhowr goor gantaalo ulla beegsaday koonfurta dhulka Israa’iil maamusho, gaar ahaan saldhigyada ciidamada badda.

Xuutiyiinta ayaa sheegay inay sii wadi doonaan duqeynta ay la beegsanayaan Israa’iil inta ay wado xasuuqa shacabka Falastiin ee Gaza.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this