Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Ugandan Ambassador to Somalia

Recommended Posts

Ergeyga Uganda ee Somalia oo markii ugu horreysay la hadlay suxufiyiinta

 

Mogadishu 17, July 07 ( Sh.M.Network)- Ergeyga dowladda uganda ay dhowaan u soo magacowday dalka Somalia, ayaa maanta shir jaraa'id uu ku qabtey magaalada Muqdisho waxa uu kaga hadlay arimo dhowr ah oo ku aadan dib u heshiisiinta iyo rabshadaha ka taagan Somalia.

 

ngoma-ngime.jpg

Ergeyga dowladda Uganda ee Somalia Ngoma Ngime

 

ergeygan oo la yiraahdo Ngoma ngima ayaa ku sheegay shirkiisa jaraa'id in uu kulamo la qaatay madaxweynaha dowladda KMG ah, oo ay isla soo qaadeen arimo ka mid ahaayeen xiriirka labada dal iyo sidii uu u dhex mari lahaa iskaashi, isagoo sheegay in Uganda iyo Somalia uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah.

 

Mr. Ngoma oo ka hadlayay shirka dib u heshiisiinta iyo sida uu u arko ayaa waxa uu sheegay in isaga uu ka qeybgalay furitaankii shirka dib u heshiisiinta, isla markaana Madaxweynaha ay isla soo qaadeen maanta arimaha dib u heshiisiinta.

 

Isagoo ka hadlayay waqtiga sii dhamaanaya ee joogitaanka ciidamada Uganda ee dalka Somalia ayaa waxa uu sheegay in ay ka war sugayaan kulanka hogaamiyeyaasha Africa uga socda magaalada Adis-ababa ee looga hadlayo arimo ay ka mid yihiin howsha nabad ilaalinta Somalia.

 

Mar wax laga weydiiyay doorka maxkamadaha islaamka ay ku leeyihiin shirka dib u heshiisiinta ayaa waxa uu sheegay in maxkamaduhu haatan aysan laheyn awood shaqeysa, laakiin ay leeyihiin siyaasad shaqeyneyso, waxaana uu sheegay in isaga uu u arko in shirka ay ka qeybgali karto cid kasta oo ka soo horjeeda rabshadaha.

 

Ergeygaan oo dhowaan loo soo magacaabay dalka Somalia, ayaa waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ee ka socda UGANDA ay qabteen 10% howlaha nabad ilaalinta oo ay ka hayaan, isagoo sii raaciyay in uu aaminsan yahay in wax badan ay ka qaban doonaan maadaama ay soo mareen dhibaato la mid ah midda shacabka Somaliyeed ay ku soo jireen mudada ka badan 17 ka sano.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this