Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo mar kale xukuntay kooxdii dilay marxuum Abuukar Kaabax

Recommended Posts

Deeq A.   
76717d73-34eb-40bd-84d8-ab3f9f0d220f-860

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Soomaliya ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Taliyihii saldhiga Heliwaa dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo kooxdiisa oo mid maqane ah uu ku jiro, kuwaasi oo ka wada shaqeeyey dilka Marxuum Abuukar Axmed Kaabax, falkaasi oo dhacay labaatan iyo labadii bishii February ee sanadkaan 2024.

Kooxdaan oo ka kooban lix qof, ayaa Qoslaaye waxaa ku weheliyey kiiskaan, Dable Bol. Maxamed Cabdi Qoone, Liibaan Maxamed Axmed oo ah maskaxdii ka dambeysay dilka marxuumka, Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin], Maxamed Cadaawe Cali iyo Yaasiin Cabdi Jaamac.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay kiiskaan lixdii April ee Sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunadii lagu riday.

Maxkamadda sare ee ciidamadda oo aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen xukunsaneyaasha tobankii bishaan, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1- Ex dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo 2- Ex Dable Bol. Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, ayey maxkamadda sare ee ciidamada ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax.

3- Liibaan Maxamed Axmed oo maqane ah, ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, halka 4- Maxamed Cadaawe Cali, 5- Yaasiin Cabdi Jaamac iyo 6- Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] ay maxkamadda sare ku xukuntay min todobo sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow, Guddomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo mar kale xukuntay kooxdii dilay marxuum Abuukar Kaabax appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this