Jacaylbaro Posted July 8, 2009 Nadaamiyaha Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay in Barlamanku uu ka guuray fadhigii Barlamanka ee Gaadiidka Booliska Kadib dagaalo halkaasi hareeyay iyadoo ay xarun Cusub Sameysteen. Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan oo loo yaqaan (Axmed Saakin) islmarkaana ah Nadaamiyaha Barlamanka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in mudanayaasha barlamanka ay ka guureen Xaruntoodii KMG aheeyd ee Gaadiidka Boliiska islamarkaana ay u guureen Xarunta Gobolka Banaadir ee isla magaalada Muqdisho. Xildhibaanka ayaa waxaa u sidoo kale sheegay in Ajandaha barlamanka u yaala uu yahay in ay ka doodaan Heshiiskii badda ee dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kaasoo uu sheegay in lagu celiyay dowladda Kenya taasina uu sheegay in ay fursad u tahay Barlamanka KMG Soomaaliya. Inkastoo Barlamanka Soomaaliya u sheegay in ay ka guureen Xaruntoodii KMG aheeyd ee Gaadiidka Booliska islamarkaana ay u guureen Xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu hadalka xildhibaanku ku soo beegmayaa xili mudanayaasha Barlamanka iyo dowladda KMG uu Xaalku ku xumaaday tan iyo Markii ay dowladdu u soo guurtay Magaalada Muqdisho,waxaana siyaabo kala duwan xaafadaha magaalada Muqdisho loogu toogtay xubno ka tirsan Mudanayaasha barlamanka iyadoo dowladda ay dagaalo kala kulantay xoogaga ka soo horjeeda ee iyagu inta badan gacata ku haya dalka Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 8, 2009 Nadaamiyaha Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay in Barlamanku uu ka guuray fadhigii Barlamanka ee Gaadiidka Booliska Kadib dagaalo halkaasi hareeyay Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted July 8, 2009 Balaayyaa ilaah ku saladday Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hunguri Posted July 8, 2009 Balaayo ma jirtee. Kulligooda wada Khaayimiin ah. Somalidii wanaagsanayd way dhamaatay. Shabaab,Shariif Hotel, Shariif Sakiinle, Shuush, Shaash, Shiish Kulligood wada Shar! Quote Share this post Link to post Share on other sites