Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ansixisay 8 mashruuc oo lagu dhisayo waddooyinka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1721313109646.jpg?resize=720%2C55

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, aya shir-guddoomiyey shirka Guddiga Sarre ee Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Guddigu wuxuu warbixin iyo qorshe ka dhegaystay Hay’adda Waddooyinka kaas oo ay ku soo bandhigtay qorshaha Dayactirka iyo dib-u-dhiska waddooyinka waxaana Guddigu ansixiyey  8 Mashruuc oo kala ah :-

1. Dayactirka joogtada ah iyo buuxinta godadka :
* Boosaaso – Gaalkacyo
* Garoowe-Laascaanood . 
2. Dhameystirka dhismaha Wadada Cawsane-Hadaaftimo.
3. Dhameystirka Wadada Lafagorayo (26km).
4. Dib-u-dhiska Buundooyinka  Carmo-Boosaaso (waa 25 Buundo).
5. Dib-u-dhiska Buundooyinka Xaaji-kheyr.
6. Dayactirka Garbaha Wadada Garoowe -Sinujiif. (30km ayaa la dayactiraya)
7. Dhameystirka Wadada Birtadheer-Kalabayr (20Km ayaa laga shaqeynayaa).
8. Dib-u-dhiska Wadada Xaarxaar- Jalam (12.5km ayaa laga shaqeynayaa) .

Qorshaha hirgelinta mashaariicda horumarinta Waddooyinkan ayaa lacagta ku baxaysa laga bixin doonaa khasnada Dowladda Puntland, waana Cashuurta dadweynaha oo dalka dib-loogu-celinayo.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ansixisay 8 mashruuc oo lagu dhisayo waddooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this