Sign in to follow this  
Deeq A.

Safar uu Maayirka Minneapolis ku tegi lahaa Muqdisho oo olole qabyaaladeed lagu baajiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Maayirka magaalada Minneapolis Jacob Frey iyo madaxa booliksa magaalada Brian O’Hara ayaa baajiyey safar qorshuhu ahaa in ay Muqdisho ku tegaan bishii February ee la soo dhaafay, waxaa sidaas lagu ogaaday xog soo shaac baxday shalay.

Hogaamiyayaasha magaalada Minneapolis ayaa rajaynayey in socdaalka Muqdisho uu wanaajin doono badqabka bulshada iyo in la dhiso isku xidhka bulshada Soomaalida.

Warbaahinta CBS News ee Mareykanka ayaa heshay dokumentiyo muujinaya qorshaha Frey iyo O’Hara ay toddobaad booqasho ah ku joogi lahaayeen Muqdisho.

Frey ayaa hogaamiya magaalada ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee Maraykanka. Axadii, waxa uu ka qeyb-galay in Minneapolis ay u dabaaldegto 10 sano oo ay walaalo yihiin (sister city) magaalada Boosaaso.

Emaillo ay heshay warbaahinta CBS News ee Mareykanka ayaa muujinaya madaxa shaqaalaha xafiiska Frey oo ku tilmaamay safarka Soomaaliya “safar caalami ah oo [Frey] uu ka tashanayey muddo shan sano ah.”

Si kastaba, Qaar ka mid ah Soomaalida Minneapolis ayaa ka soo horjeestay safarka, iyadoo nin ka mid ah uu u qoray golaha deegaanka Minneapolis in lacagta canshuur bixiyayaasha si taas wanaagsan looga faa’ideysan karo.

Safarka ayaa sababay kala qeybsanaan soo kala dhexgashay bulshada Soomaalida, ayada dadka kasoo jeedaa beesha Daarood ee degan magaalada, ay ka soo horjeesteen, islamarkaana ay sameeyeen olole ka dhan ah, sida ay xog ku heshay warbaahintu.

Dadkaas ayaa diidanaa in booqashada Frey iyo O’Hara ee Muqdisho ay sare u qaadi karto sumcadda caasimadda Soomaaliya, taasi oo ah wax la-yaab leh.

Dadkan ayaa sidoo kale 10 sanno ka hor ka horyimid qorshe lagu walaaleyn lahaa Muqdisho iyo Minneapolis, taa beddelkeedna u ololeeyey Minneapolis iyo Boosaaso, kuna guuleystay, maadaama ay Minneapolis tiro ahaan iyo saameyn ahaa kaga badan yihiin Soomaalida kale.

Safarka ayaa waxaa la baajiyey kahor saddex maalmood inta aanu dhicin, xilli kharash badan oo sugidda amniga Muqdisho ah lagu bixiyey. Xafiiska Frey ayaa sheegay in loo baajiyey cabsi amni darteed, kadib cadaadis iyo cabsi gelin ka timid Soomaalida.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this