Jacaylbaro Posted August 3, 2007 SDWO (Hargeisa 01/08/07) Shalay gelnkii hore ayaa ciidan lagu sheegay CID-du suuqa ka taxabeen laba masuul oo kale oo loo xidhay isla sababtii ururka Qaran iyo taageeradiisa. Labad nin ee la xidhay ayaa magacyadoodu kala yahiin Maxamed Cabdi Jibriil iyo Caaqil Cabdiraxmaan Dudo. Labada oday waxa la hubaa in ay ciidanka CID-du kaxaysteen lamana garanayo meel la geeyay, xataa saldhigyada kuma jiraan. Sidaa waxa yidhi xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland. Xildhibaanka oo la weeydiiyay waxa uu kala socdo xadhigooda ayaa noo sheegay in aany jirin cid ka war qabtaaba , danebi ay galena aanu ogeyn, isaga oo taa ka hadlayana waxa uu yidhi labada nin waa laba nin oo waaweyn oo masuuliyiin ah denbi ay galena ma garanayo. Xildhibaanku waxa uu ku soo gudnaanday hadalkiisa waxa qudha ee loo malaynayo in loo xidhay waa taageerada ururka Qaran. Quote Share this post Link to post Share on other sites