Sign in to follow this  
Deeq A.

Biden Oo Ku Baaqay In La Mamnuuco Qoriga Loo Adeegsaday Toogashada Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dib u soo cusboonaysiiyay baaq ah in Congress-ku uu mamnuuco qoryaha darandooriga u dhaca, oo uu ku jiro noocii loo adeegsaday isku daygii dil ee fashilmay ee lagu qaaday Donald Trump.

Trump ayaa dhagta midig dhaawac fudud ka soo gaadhay kadib markii ay ku dhacday rasaas nin hubeysan uu kasoo toogtay saqafka sare meel u dhow. xili uu ololaha doorashada ka waday gobolka Pennsylvania Sabtidii.

“AR-15 ayaa loo adeegsaday toogashada Donald Trump waa hubkii lagu dilay dad badan oo ay ku jiraan carruur. Waa waqtigii la mamnuuci lahaa, “ayuu Mr Biden ka sheegay shirwaynaha Las Vegas xilli uu dib u bilaabay ololaha doorashada.

Biden waxa uu kaalin weyn ka qaatay sannadkii 1994-tii,in la meel mariyo mamnuucida hubka weerarka ah, taasoo oo dhacay 2004.

Sannadkii 2022, intii lagu jiray xilligiisii ​​ugu horreeyay ee madaxweyne, Mr Biden waxa uu saxeexay sharciga ugu muhiimsan ee badbaadada hubka in ka badan labaatan sano, kaas oo ay ku jiraan hubinta taariikhda hore ee iibsadayaasha hubka iyo ilaalinta kale.

Mas’uuliyiinta ayaa weli cadeyn ujeedka ninka hubeysan ee Thomas Matthew Crooks, kaas oo u suurtagashay in uu toogto Trump ka dib markii uu koray saqafka sare ee dhismo 130m (426ft) u jira halkii uu ka hadlayay Madaxweynihii hore ee Maraykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this